
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey Kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga dalka.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal,agaasimayaasha Waaxyaha Dakhliga iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dakhkiga.
Intii uu socday kulankan ayaa diiradda lagu saaray arimaha dakhli kicinta ee Mudnaanta leh ayna ka mid yihiin, Dardargalinta Howlaha Dakhli ee Goboladda dalka ka socda, kor u qaadida wada shaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dakhliga kala shaqeeya wasaaradda Maaliyadda, la dagaalaanka cashuur diidka ka hor taga badeecadaha cashuurta la dhuunta, kordhinta wacyigalinta Cashuuraha iyo fududaynta Adeegyadda Dakhliga.
Shirkan oo kusoo gabgabooday si guul ah ayaa lagu balamay fulinta dhammaan qodobadii wax ku ool ka ahaa ee looga hadlay.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo Daahfuray Barnaamijyo dib u habeyn loogu sameeyay Cashuur bixinta[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8009-150x150.jpeg)
![Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Kastamka Dekedda Boosaaso[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8099-150x150.jpeg)

