Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha iyo Dabagalka Miisaaniyadda 2025[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan uu shir gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid loogana hadlay xaaladda Guud ee dhaqaalaha Puntland iyo dabagalka Miisaaniyadda 2025.
Gudoomiyaha Golaha kulankan waxaa ku weheliyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Golaha ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax ka waydiiyey arrimaha dhaqaalaha dalka,nidaamka guud ee Maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda iyo in la dhaqan geliyey Miisaaniyadda 2025 ee Goluhu ansixiyey.
Intii uu socaday kulanka waxaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland si gaar ah wax looga waydiiyey xaquuqda shaqalaha, ciidamada iyo guud ahan cabashooyinka jira.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Xog dheeri ah ka siiyey guulaha ay gaartay Wasaaraddu ee ku aaddan Dakhli ururinta, kharash bixinta, caqabadaha jira iyo sidii si wadajar ah xal loogu helihaa caqabadaha jira.
Ugu dambayn kulanka ayaa noqday mid laga gaaray guulo wax ku ool ah loona balamay kulamo kale.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.



















GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo tababar u soo dhamaaday.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.

































GAROOWE –
Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin
Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.


























GAROOWE – Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda uga daah-furay tababar Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee dowladd Puntland. 
























GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa
Baahintii 
GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilaamay Ollole nadaafadeed oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud






















GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. 






















BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.

























GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.
Baahintii