Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Dhismayaasha la wado ay leedahay Wasaaraddu [Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegey dhismayaal casri ah oo ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda laguna dhisaayo hab isku tashi ah lagana hirgelinaayo Boosaaso.
Goobaha shaqadu ka ka socotay ee Wasiirku booqday waxaa ka mid ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo kastamka Wasaaraddu ku leedahay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka Gobalka Bari, Maamulaha kastamka Garoonka, Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Bari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tiran Wasaaradda Maaliyadda.
Mas’uuliyiinta Shirkadaha GONDAGOYE iyo HANTAARA ee wada dhismayaashan ayaa Wasiirka la wadaagay halka ay marayaan shaqoyinka socda iyo macluumaad dheeri ah.
Maxamed Faarax Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa ka hadlay hirgilinta xarumahan casriga ah ee loo dhisyaaso Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Gobolka Bari.
“Dhismaha Xarumahan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xarumo kaleba waxaan ku dhisnay Cashuurta Shacabka Puntland laga qaado, waana shacab markastaba garab taagan Dowladdooda si dalka loo hormariyo” Wasiirka Wasaaradda Maxamed Faarax Maxamuud
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland


GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ku aadan diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2026 ka dhageysatay Waaxda Miisaaniyadda.
Baahintii 
GAROOWE – Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan uu la yeeshay waaxyaha dakhliga laguna qabtay Xarunta dhexe ee dakhliga.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda



GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland,oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay Qaab-dhismeedka Miisaaniyadeed Dowladda Puntland ee sanadka 2026.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan uu shir gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.



















GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo tababar u soo dhamaaday.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.

































GAROOWE –
Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin
Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.


























GAROOWE – Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda uga daah-furay tababar Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee dowladd Puntland. 






















