Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Maxjarada Naaxinta Xoolaha ee Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaa booqday Maxjaradda Naaxinta xoolaha ee ku yaala Magaaladda Boosaso.
Maxjarada ay booqada ku tageen Wasiiradu waxaa ka mid ah WADANI IYO ALJAABIRI xiligii ay Wasiiradu booqdena ay halkaasi ka socdeen shaqoyinka daryeelka xoolaha.
Xubnaha Golaha Wasiirada uuna hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa halkaasi waxaa ku soo dhoweeyey Maamulka Maxjarada, Ganacsatad Dhoofka xoolaha
iyo Dhakhaatiirta ka hawl gasha..
Mas’uuliyiinta Maxjarada WADANI IYO ALJAABIRI ayaa Wasiirada la wadaagay shaqoyinka socda, tayada Xoolaha Maxjaradda ku jira, inta dhooftay iyo xoolaha diyaarsan ila la qaado.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland ayaa mas’uuliyiinta Maxjaradda ku aamaany shaqada baaxada leh ee ay hayaan waxana uu ku booriyey in ay sii wadaan dadaalkooda daawaynta iyo naaxinta xoolaha si loo helo xoolo tayadoodu aad u saryso.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland


BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegey dhismayaal casri ah oo ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda laguna dhisaayo hab isku tashi ah lagana hirgelinaayo Boosaaso.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ku aadan diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2026 ka dhageysatay Waaxda Miisaaniyadda.
Baahintii 
GAROOWE – Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan uu la yeeshay waaxyaha dakhliga laguna qabtay Xarunta dhexe ee dakhliga.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda



GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland,oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay Qaab-dhismeedka Miisaaniyadeed Dowladda Puntland ee sanadka 2026.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qaybgalay kulan uu shir gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.



















GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo tababar u soo dhamaaday.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.

































GAROOWE –
Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin
Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.
























