Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Iyo madax ka socotay Hay’adda UNOPS oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Saraakiisha Dakhliga ayaa xarunta dakhliga ku qaabilay mas’uulyiin ka socday Hay’adda UNOPS oo ka yimi magaalada Nairobi. Waftiga imaanshahooda Puntland gaar ahaan xarunta dakhliga ayaa qayb ka ah wada shaqaynta labada dhinac Hay’adda iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Cabdulqaadir Axmed Xaashi […]

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland oo kala saxiixday heshiis ku saabsan kor u qaadida dakhliga Dowladda[Sawirro]

GAROOWE- Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland ayaa kala saxiixday Heshiis ku aadan horumarinta ganacsiga, wadashaqaynta labada Wasaaradood iyo kor u qaadida dakhliga dowladda Puntland. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, saacdo koobana qaatay ayaa looga wada hadlay xogo badan oo ku aadan siidi loo horumarin lahaa heshiiskan una […]

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Daah-furay Tababar ku saabsan nidaamka maaraynta Maaliyadda ee FMIS[Sawirro]

GAROOWE- Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda ugu daah-furay tababar ku aadan nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaraada Gargaarka iyo musiibooyinka iyo hay’adda maaraynta xogta Biyaha iyo dhulka. Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dowladda ee ah sidii loo samayn […]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Hadhi-sharafeed u sameysay mas’uuliyiin loo soo xiray Tababar dhanka Dakhliga ah[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Hadhimo Sharafeed saagootin ah u sameeysay mas’uuliyiintii loo soo gabagabeeyey tababarkii ku aadanaa dakhliga. Munaasabada saagootinta waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga iyo mas’uulyiin kale. Agaasime guud ku xeenka dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Tababar lagu baranayay Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed ayaa soo xiray tababar lagu baranayey kicinta cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka. Xafladda oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Dakhliga, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Taliyaha guud ciidamada Booliiska, kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud, Agaasimaha […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Madaxda, Shaqaalaha Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka ee gobolada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa maanta xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka furmay tababar loo qabtay Madaxda iyo shaqaalaha cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka ee dhammaan gobolada Dowladda Puntland. Daah-furka tababarka waxaa goob-joog ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha. Tababarka ayaa waxaa […]

Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo booqday Bangiga Dowladda Laantiisa gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari halkaasi oo ay ku kala war qaateen madaxda Bangiga. Wasiirka ayaa la siiyey warbixino la xiriira dhismaha cusub ee Bangiga oo maraya heer gabogabo ah kaasi oo lagu dhisay isku tashi, waxana uu […]

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Puntland Mudane Eng. Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlaayey horumarinta shaqada Wasaaradda. Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka,ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda. Shirkan ayaa diirada lagu […]

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha General Abshir ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Bangiga dhexe Mudane khadar Ugaas Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe iyo Kantaroolka Bari. Wasiir Bulxan ayaa madaxda kastamka ka dhagaystay habsami u […]