IMG_5308

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda degmada Eyl[Sawirro]

EYL – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa Agaasimaha Guud ku wehelinayey Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahna Ku-xigeenka Xisaabaha, iyadoo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen maamulka degmada Eyl, xisaabiyaha gobolka Nugaal, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Intii ay munaasabadda socotay, qaar ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda weyn ee xaruntani u leedahay degmada Eyl, gaar ahaan dhinaca horumarinta maamulka iyo kobcinta dakhliga gudaha. Waxay sheegeen in xaruntani ay fududeyn doonto adeegyada maaliyadeed, isla markaana ay sare u qaadi doonto hufnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dakhliga.

Masuuliyiintu waxay si gaar ah u bogaadiyeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo hoggaankeeda sare, dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada maaliyadeed dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Wasaaradda Maaliyaddu ku dooneyso in la xoojiyo hanaanka maaliyadeed ee dowladnimo, laguna gaaro adeeg hufan oo u dhow shacabka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa xusay:

“Waxaan si weyn ugu faraxsanahay in aan maanta furo xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Eyl. Xaruntani waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa himilada Wasaaradda ee ah in adeegyada dowladda laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5273

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Wasaaradda ee Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Mohamed Bulhan oo howlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeeray xarunta  Kastamka Wasaaradda ku leedahay Dekedda xili ay halkaasi ka socdeen shaqooyinkii cashuurista badeecadaha ay keenaan Doonayaha iyo maraakiibta.

Sidoo kale wasiirka ayaa booqday xarunta Cashuuraha bariga ee Gobolka bari.

Booqashada Wasiirka ee goobaha dakhliga ayaa salka ku haysa dardargalinta dakhliga iyo hormarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu kormeerka shaqo ku guda jiray Wasiir Bulxan waxa uu booqday Xafiisyada iyo Shaqaalaha ka hawlgaga kastamka iyo Cashuuraha Berriga waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday iyaga oo Wasiirka la wadaagay xogo ku aadan heerka dakhliga, shaqooyinka socda iyo baaha ka jira goobaha uu booqday.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha uga mahad celiyey shaqada adag ee ay hayaan  xili cimilada Boosaaso tahay mid kulul waxana uu kula dardaarmay in la dardar-galinliyo dakhliga sigaar ahna xooga la saaro Cashuuraha Berriga.

#Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5265

Guddiga anshaxa, dalacaada iyo abaalmarinada Shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda oo Shir Go’aan gaaris ah ku yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga anshaxa, dalacaada iyo abaalmarinada Shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda ayaa ufariistay kiis la xiira eedeymo loo soo jeediyay qaybo ka mid ah Shaqaalaha gaadiidka kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle

Gudiga oo loo soo badhigay cadaymo iyo baaritaano la sameeyey ayaa ugu dambayn waxa ay ka gaareen xukuno ku aadan ganaax iyo anshax marin shaqaale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5211

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Punland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka Horimarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Ku-xigeenka Guud Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda.

Kulankan ayaa ah kulan bile ah oo diirradana lagu saaro shaqooyinka horumarka laga saneeyey, caqabadaha jiray iyo shaqooyinka yaala in la qabato.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Agaasimayaasha Wasaradda iyo madax qaybeedyada ayaa Wasiirka la wadaagay xog ku aadan saxida shaqooyinka Xisaabaadka,dardargalinta dakhliga iyo hormarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddao ayaa uga mahad celiyey Mas’uulyiinta Wasaaradda xogaha shaqada ee ay la wadaageen waxana uu Mas’uulyiinta Wasaaradda la wadaagay in laga sugaayo dhaqaalahii dalka lagu hormarin lahaa, lagu difaaci lahaa laguna socd siin lahaa adeegyada Dowladnimo.

Ugu dambayn Mudane Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa faray Mas’uulyiintii shirka ka qayb galay in la muujiyo dadaal dheeri oo dhan walba ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Read More
IMG_5169

Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Xisaabiyayaasha gobolada[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna xisaabiye ku-xigeenka guud Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo uu weheliyo agaasime ku-kuxigeenka dakhliga Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan la qaatay xisaabiyayaasha gobolada.

Kulankan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha waaxyaha Cashuuraha beriga iyo Furdooyinka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqooyinka kala duwan oo ay ugu mudan tahay dardargelinta Dakhliga.

Xisaabiyaha guud ee Dawlada Cali Jaamac Gaashaan ayaa xisaabiyeyaasha kula dardaarmay xoojinta nidaamka xisaabaadka goboladda si gaar ah kharash bixinta iyo dakhli xaraynta.

Agaasime ku-xigeenka guud ee dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa dhankiisa xiaaabiyeyaasha u sheegay inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan ilaalin, kor joogteynta iyo kor u qaadista dakhliga wuxuuna balan qaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan masuuliyiinta gobalada.

Xisaabiyeyaasha gobalada ayaa dhankooda balan qaaday inay qaadi doonaan waajibaadka la faray ayna sida ay tahay uga soo bixi doonaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5151

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Xariga ka Jaray Dhismaha cusub ee Kastamka Airport-ka Generaal Maxamed Abshir ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Kastamka Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal, Agaasime Ku-xigeenka Kastamada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horreyn, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal, Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa madaxda Wasaaradda uga mahadceliyey hirgelinta dhismahan cusub, isagoo xusay in xaruntani ay wax weyn kusoo kordhin doonto adeegyada Garoonka Diyaaradaha, gaar ahaan dhinacyada kororka dakhliga iyo tayeynta adeegyada shacabka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa isna tilmaamay in dhismahan cusub uu ka kooban yahay hool kayd ah iyo xafiisyo shaqo oo loogu talagalay shaqaalaha Kastamka. Wuxuu sheegay in xaruntani ay qeyb ka tahay qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha shaqo iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ku hadlayay afka madaxda Wasaaradda, ayaa sheegay in dhismahani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Wasaaradda Maaliyadda. Wuxuu xusay in xaruntani ay si weyn uga qayb qaadan doonto fududeynta howlaha kastamka iyo kobcinta dakhliga Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5127

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shirka Xisaabiyayaasha gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa gudoomiyey shirka xisaabiyeyaasha gobalada ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Hantidhawrka guud ee Dawlada Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud, Agaasime Ku-xigeenka Dakhliga, agaasimaayasha waaxyaha Miisaaniyada, Cashuuraha beriga iyo Xisaabiyayaasha Gobalada.

Kulankan intii uu socday ayaa xooga lagu saaray sidii ay xisaabiyeyaasha gobaladu ay xooga u saari lahaayeen hagaajinta niidamyada kharash bixinta Iyo dakhli xaraynta ee gobalada.

Gudoomiyaha Hantidhawrka guud Mudane Cismaan Maxamuud Cali oo  xisaabiyeyaasha gobalada la wadaagay wax yaabihii ay Ku arkeen xisaab-xirkii sanadkii hore ee uu baahan in la saxo ayaa xisaabiyeyaasha gobalada kula dardaarmay in ay xooga saaraan hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Dalka.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda Axmed Jaamac Jowle Iyo Xisaabiyaha guud Cali Jaamac Gaashaan ayaa balan qaaday inay xoojin doonaan isla xisaabtanka Iyo dabagalka shaqada iyagoo dhankooda Ku booriyey inay xisaabiyeyaasha gobladu dardargeliyaan shaqada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Soo xiray kulanka ayaa xisaabiyeyaasha gobalada kula daardaarmay inay xooga saaraan hagaajinta xisaabaadka Dawladda Iyo kor u qaadista dakhliga ayna si buuxda u dhaqan geliyaan talooyinka xafiiska Hantidhawrka guud.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5105

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Xisaabiyaasha gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Gobalada ee Wasaaradda Maaliyada oo magaalada Garowe u yimi shirkii Maamul baahinta iyo dardargalinta dakhliga.

Kulankan oo ahaa xog iswaraysi Ku aadan shaqooyinka hortabinta u leh Wasaarada Maaliyada ee Goboladda ayuu Agaasimuhu warbixino ka dhagaystay Xisaabiyayaasha halka shaqadu u marayso,

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xisaabiyayaasha

kula dardaarmay inay xooga saaraan hagaajinta Iyo dardargelinta shaqooyinka kala duwan gaar’ahaan kor u qaadista dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5063

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan dhex maray Dowladda iyo Dadweynaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa xalay ka qaybgalay kulan dhex maray Dowladda iyo dadweynaha Puntland.

Bulshada kulanka ka qayb gashay ayaa su’aalo ku weydiiyey Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee kulanka ka qayb galay loogana hadlay wax qabadyadii Xukuumadda.

Kulanka bulshada iyo Golaha Xukuumadda ayaa soconaya labo cisho kaasi oo u jeedkiisu yahay isla-xisaabtan daah-furan ku aadan waxqabadka Dowladda.

Read More
IMG_5037

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay madaxda Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay Kulan ay la qaateen madaxda Wasaaradda.

Kulan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda. Agasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku simaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha Xafiisyada Dakhliga, Xisaabaadka guud iyo Miisaaniyadda waxana ay Wasiirada la wadaageen warbixin iyo dardargalinta Shaqada Wasaaradda oo guulo wax ku ool laga gaaray.

Ugu dambayn Wasiiradda ayaa Mas’uulyiinta kulan ka ka qaybgalay kula dardaarmay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta shaqooyiinka Wasaaradda.

Baaahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More