Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf ee magaalada Gaalkacyo. Guddiga ayaa warbixino kala duwan ka dhagaysteen Maareeyaha garoonka diyaaradaha Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey. Intii ay guddigu ku jireen […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Guddi uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland ayaa gaaray magaaladda Garacad ee degmada Jariiban gobolka Mudug. Guddiga oo ku sugan magaalada Garacad ee dagmada Jariiban ayaa waxay booqdeen Dekeda Garacad oo ay ka socdaan shaqooyinka dejinta badeecadaha ay wadaan doonyaha iyo maraakiibta […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay goobaha Dakhli soo xareynta Wasaaradda ee gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacisga Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddiga Dardargalinta dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha dakhliga soo xeraynta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari. Wasiirka iyo Guddiga waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale. Maamulaha Furdooyoinka Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka […]

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Xafiisyadda Wasaaradda ee xarunta Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaaciil Maxamed oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada Wasaaradda ee xarunta dhexe Garoowe. Ujeedka kormeerka ee xafiisyada ayaa ahaa in uu Wasiirku wax ka ogaado shaqooyinka socda, caqabadaha Xafiisyada ka jira iyo sidii loo xoojin […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ganacasatada gobolka Bari. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Dowladda iyo ganacsatada ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo wax soosaarka sidii kor loogu qaadi lahaa. Intii uu socday sidoo kale kulankan waxaa si wayn […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo gaaray Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiinta ayaa booqday Labada Maxjar ee Xoolaha ee Boosaaso, waxana ay kulan la qaateen Maamulka Maxjarada oo Guddiga xog ka siiyey habsami u socodka shaqada iyo […]

SAWIRRO – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

GAROOWE – Xukuumadda uu hoggaaminayo Mudane Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ay higsanaysaa dib u casriyeynta xarumaha shaqada Dowladda dhammaan gobolada dalka si bulshadu u helaan xarumo horumarsan. Xarunta dhexe ee Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadduna waxa ay qayb ka tahay xarumaha dib u casriyayta lagu sameeyey. Dhismaha xarumaha Dowladdu waxa ay ku yimaadeen ka dib markii […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Dakhliga ee Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaardda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta kormeer shaqo Ku tagey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna halkaasi Ku kormeereen xafiisyada kala duwan ee heer gobal iyo xarunta dhexe ee Dakhlig. Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime ku-xigeenada guud, xisaabiye ku-xigeenka guud, Agaasime waaxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobaladda. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho ayaa la isku waydaarsaday sidii loo horumarin karo […]

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud. Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud […]