Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]
BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.
Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, qaar kamid ah golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda wadooyinka Puntland ee ( PHA ) Ganacsade Jaamac Dhagadheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey maamulaha shirkadda Kebarco, faysal Xasan Yacquub oo fulinaysay dhismaha laamigan.
Mashruucan dhismaha laamiga Birdheer – Kalabayr ayaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda Puntland iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka dalka.
Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiintii kale ee socdaalka ku wehelinayey ayaa bogaadiyey tayada shaqada, iyagoo ku dhiirrigeliyey shirkadda iyo bulshada inay sii wadaan dadaallada dhismaha waddooyinka kale ee muhiimka ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Caali Jaamac Gaashaan Iyo Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey kulanka billaha ee kala war-qaadashada Xisaabiyeyaasha gobalada Iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.
Xisabiyeyaasha gobalada ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo bandhigay talaabooyinka ay qadeen Iyo wax yaabaha u qabsoomay ee ay
Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Kulanka Soo xiray ayaa Xisaabiyeyaasha gobalada ku aamanay dadaalka shaqo ee muuqda, wuxuuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ayna u kala war qaadan doonaan si bille ah si Loo ogaado hadba wixii qabsoomay.
BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay hormarinta shaqada iyo dardargelinta dakhlig gobolka.
Baahintii 
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dib-u-dhis casri ah oo lagu horumarinayo xafiisyada Wasaaradda.
Baahintii 
BOOSAASO – Xarunta Cashuuraha Berriga waxaa kormeer shaqo ku tagay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirudowlaha Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe ee magaalada Garoowe.






























BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekedda.
Baahintii 
GAROOWE – Kulan uu shir Gudoomiyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid uuna weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarah ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda. 
GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka.
Baahintii