Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Wasaaradda ee Dekadda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Mohamed Bulhan oo howlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeeray xarunta Kastamka Wasaaradda ku leedahay Dekedda xili ay halkaasi ka socdeen shaqooyinkii cashuurista badeecadaha ay keenaan Doonayaha iyo maraakiibta.
Sidoo kale wasiirka ayaa booqday xarunta Cashuuraha bariga ee Gobolka bari.
Booqashada Wasiirka ee goobaha dakhliga ayaa salka ku haysa dardargalinta dakhliga iyo hormarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Intii uu kormeerka shaqo ku guda jiray Wasiir Bulxan waxa uu booqday Xafiisyada iyo Shaqaalaha ka hawlgaga kastamka iyo Cashuuraha Berriga waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday iyaga oo Wasiirka la wadaagay xogo ku aadan heerka dakhliga, shaqooyinka socda iyo baaha ka jira goobaha uu booqday.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa madaxda iyo shaqaalaha uga mahad celiyey shaqada adag ee ay hayaan xili cimilada Boosaaso tahay mid kulul waxana uu kula dardaarmay in la dardar-galinliyo dakhliga sigaar ahna xooga la saaro Cashuuraha Berriga.
#Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Guddiga anshaxa, dalacaada iyo abaalmarinada Shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda ayaa ufariistay kiis la xiira eedeymo loo soo jeediyay qaybo ka mid ah Shaqaalaha gaadiidka kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka Horimarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.









































GAROOWE – Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna xisaabiye ku-xigeenka guud Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo uu weheliyo agaasime ku-kuxigeenka dakhliga Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan la qaatay xisaabiyayaasha gobolada.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Kastamka Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa gudoomiyey shirka xisaabiyeyaasha gobalada ee Wasaaradda Maaliyadda.



















GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta kulan la qaatay Xisaabiyayaasha Gobalada ee Wasaaradda Maaliyada oo magaalada Garowe u yimi shirkii Maamul baahinta iyo dardargalinta dakhliga.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa xalay ka qaybgalay kulan dhex maray Dowladda iyo dadweynaha Puntland. 

















GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay Kulan ay la qaateen madaxda Wasaaradda.
Baaahintii 
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa daah-furay Shirweynaha 1aad ee Bangiyada & Maaliyadda Puntland.



















