
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Badhan(Sawirro)
BADHAN- Wasiir ku-xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo hawlo shaqo u joogaa degmada Badhan ayaa kormeer shaqo ku tegey maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Axmed Aaden Xuseen iyo xisaabiye ku xigeenka Wasaaradda Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Cabdulqaadir Siciid Daahir Qodax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda xili shaqaalahu ku guda jireen hawl maalmeedkii shaqo ee ay uhayeen Bulshada Puntland.
Kormeerka ka dib Wasiirka ayaa kulan la yeshay Mas’uulyiinta Wasaaradda waxaana wasiirka xog laga siiyey shaqooyinka xafiisyada, shaqaalaha ka hawlgala iyo goobaha dakhliga gobollada Sanaag iyo Haylaan.
Ugu dambeyntii Wasiir ayaa Bogaadiyey shaqooyinka socda ee soo xeraynta dakhliga kana socda Gobollada Sanaag iyo Haylaan waxana uu ku booriyey in xooga la saaro dardargelinta cashuuraha berriga sidoo kale Wasiirka ayaa
bulshada uga mahadceliyay sida ay ubixiyaan cashuuraha ku waajibay iyo la shaqaynta Dowladooda ayna socdaan mashaariic wax ku ool ah oo Gobolladan lagu horumarinaayo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland



























