
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarumaha dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso(Sawirro)
BOOSAASO – Wasiirku xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda, Kastamka Garoonka, Xarunta Cashuuraha Beriga iyo Dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda ee Bosaso laga wado.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta dakhliga dowladda iyo xoojinta hufnnaanta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirku wuxuu kormeerka ka bilaabay Dekedda Boossaso waxana halkaasi ku oo soo dhoweeyay Maamulaha Furdooyinka Gobolka Bari Maxamed Yuusuf iyo ku xigeenka Cabdulahi Maxamed, Taliyaha Dekedda G/sare Warsame Axmed Shirwac iyo ku xigeenkamiisa G/Dhexe Yaasiin Cali Nuur waxana uu Wasiirku booqday goobaha ay ka socdaan shaqooyink cashuurista beedeecadaha iyo xafiisyada Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Garoonka halkaasi oo ay ku qaabilay Maamulaha Kastamka Garoonka Xasan Maxamed Faarax waxana uu Wasiirku xog badan ka ogaaday Kastamka iyo shaqooyinka ka socda.
Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Yasiin Saalax ayaa kormeer ku tegey Xarunta Cashuuraha Berriga ee Gobolka Bari iyo dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu bulshada Puntland u soo jeediyey in ay bixiyaan Cashuurta dowladdana la shaqeeyaan sidii ay waajibaad keeda shaqo ku gudan lahayd.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland



































