Category: Somali News

IMG_5844

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.

Waxaa Wasiirka kulanka ku wehliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Dakhliga iyo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland, kuwaas oo soo bandhigay warbixino iyo talooyin la xiriira sidii loo xoojin lahaa hannaanka ururinta dakhliga iyo hagaajinta nidaamyada maamulka maaliyadeed ee gobollada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka dakhliga, si loo abuuro ilo dhaqaale oo waara, loona xaqiijiyo maalgelinta adeegyada bulshada iyo Hormarinta Adeega Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo khudbad dheer ka jeediyay xiritaanka kulanka, ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta dakhliga ee gobollada shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isaga oo ku booriyay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, maadaama dakhligu yahay laf-dhabarta difaaca iyo horumarinta qaranka.

“Dakhliga aynu soo saarno waa tiirka ugu weyn ee lagu dhiso dowladnimada iyo adeegyada bulshada. Waxaan idinka rajaynayaa in aad dadaal iyo daacadnimo dheeraad ah ku bixisaan waajibaadka shaqo ee idin saaran,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.

Intaa kaddib, Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay gobolka Raas-Casayr, isaga oo sheegay in madaxda Wasaaraddu ay dhawaan ku tegi doonaan kormeer shaqo oo ballaaran, loona hawlgelayo daboolidda baahiyaha rasmiga ah ee halkaas ka jira.

Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyay mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay in ay ka dhabeeyaan awaamiirta dhanka shaqada ee loo igmaday. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la hirgelin doono kormeero joogto ah iyo in si cadaalad ah loo abaalmarin doono shaqaalaha iyo xarumaha ka soo baxa waajibaadkooda shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5828

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo qaabilay Wafti ka socday Hay’adda UNDP[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey

xubno ka socday hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsa. horumarinta ee UNDP ee Xafiiska New York.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa xubnaha UNDP shirka ka sheegeen in ay doonayaan sidii ay xiriir wadashaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda UNDP ayaa xog looga siiyey

qaabka la isku waafajiyo miisaaniyadda iyo qorsheynta maaliyadeed ugana qayb qaadan lahaayeen qorshaha dhow iyo midka fog ee ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku ammaanay xubnahan wadasheynta ay doonayaan iney la yeeshaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland .

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5802

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daah-furay Kulanka Kor u qaadista Dakhliga Xeebaha[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka waxaa goob-jooga ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Xisaabiyaha Gobolka Ras-casayr, Ku simaha xisaabiyaha ahna xisaabiye ku xigeenka gobollada Sanaag iyo Haylaan,

Agaasimayaasha waaxyaha  Maamulayaasha dakhliga degmooyinka, Taliyaha Gobolka Raas-casyr, Maamulayaasha canshuuraha gobollada Raay-caysr, Sanaag iyo Nugaal, masuuliyiinta Wasaaradda ee ku sugan xeebaha.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Axmed Bulxan, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa xusay muhiimada uu leeyahay shirka, isagoo tilmaamay in ujeeddadiisu tahay in la dardargeliyo dakhliga xeebaha Puntland, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo il muhiim u ah kor u qaadista adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax, ayaa carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Maaliyaddu mudnaanta siineyso horumarinta dakhliga xeebaha, gaar ahaan canshuuraha iyo adeegyada dhaqaalaha ka soo gala xeebaha Puntland, kuwaas oo door weyn ku leh horumarinta dakhliga.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana la filayaa in ay ka soo bixi doonaan qodobbo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo dhiirrigelinaya horumarinta dakhliga xeebaha, isla markaana ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5793

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]

BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.

Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, qaar kamid ah golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda wadooyinka Puntland ee ( PHA )  Ganacsade Jaamac Dhagadheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.

Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland waxaa halkaasi  ku soo dhoweeyey maamulaha shirkadda Kebarco, faysal Xasan Yacquub oo fulinaysay dhismaha laamigan.

Mashruucan dhismaha laamiga Birdheer – Kalabayr ayaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda Puntland iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka dalka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiintii kale ee socdaalka ku wehelinayey ayaa bogaadiyey tayada shaqada, iyagoo ku dhiirrigeliyey shirkadda iyo bulshada inay sii wadaan dadaallada dhismaha waddooyinka kale ee muhiimka ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5729

Wasaaradaha Maaliyadda,Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro+Muuqaal]

GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.

Mas’uuliyiinta Kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimayaasha Guud ee Sadexdan Wasaaradood.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kala qeexidda iyo kala saarista canshuuraha ay qaadaan dowladaha hoose iyo kuwa dowladda dhexe, si looga fogaado is-buurasho, isla markaana loo helo nidaam canshuureed oo hufan oo cadaalad ah.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xalliyo caqabadaha ka dhasha is dhex galka canshuuraha, iyadoo la caddeynayo cidda ay gaar u tahay qaadista noocyada kala duwan ee canshuuraha ganacsiga, adeegyada, iyo hantida.

Waxaa sidoo kale la isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka soo shaqeeya habraac cad oo ay ku qeexan yihiin waajibaadka canshuureed ee dowladda dhexe iyo dawladaha hoose.

Ugu dambayn, kulanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha Puntland iyo hagaajinta kalsoonida shacabka ee nidaamka canshuur ururinta, Waxaana lagu ballamay in kulamo dheeraad ah la yeesho si loo dhamaystiro qorshaha kala saarista canshuuraha.

 Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3776

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bangiga Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Bankiga dowladda Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga, Agaasimaha Guud ee Bankiga, Agaasime ku xigeenka Bankiga iyo Madax ka socotay Hay’adaha Maaliydeed ee ka hawl gala Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii bulshadu u isticmaali lahaayeen lacagta 50 Dollar oo mudooyinkii udambeeyeyna aan ka shaqaynayn deeganada Puntland.

intii uu socaday kulanka ayaa la isku dhaafsaday sababaha keenay in ay ganacsatadu joojiyaan isticmaalka $50

Dollar iyo sida loo socd siinkaro.

Adeeg siga $50 Dollar ayaa ugu dambaysay  2021, ayana bulshadu ku diideen isticmaalkeeda ka dib markii suuqyada Puntland ay soo galeen lacago been abuur ah $50-ka Dollar na uu ka mid yahay.

Ugu dambayn Bangiga Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aan rasmi ah ku soo saaray isticmaalka lacagta $50, Hay’adaha Maaliyada ee gaarka loo leeyahayna kula dardaarmay Xoojinta iyo fulinta awaamiirta Dowladda Puntland

Masuuliyiintii ka socotay Hay’adaha Maaliyadda ee kulanka kasoo qayb galay ayaa soo dhaweeyay dhaqangelinta go’aanka dowladda ee socodsiinta lacagtaas.

Waxaa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay horay Madaxda Bankiga Dowladda Puntland uga dalbatay in ay kal shaqeeyaan socod siinta lacagta $50 Dollar oo inta badan ay adeegsanayaan Dadka ka soo dega Garoomada Puntland si ay cashuur ahaan ugu bixiyaan iyo sidii bulshada kalena u socod siin lahayd ugu dambayn lagu guuleysaty.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3778

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Puntland oo kawada hadlay Cashuuraha ku waajibay Shaqaalaha Hay’adaha UN,NGO-ska iyo kuwa Maxaliga ah[Sawirro]

GAROOWE    Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshayanta ayaa yeshay kulan ay ka hadleen Cashuuraha ku waajibey Shaqaalaha Hay’adaha UN, NGO, kuwa Maxaliga iyo mashaariicda dalka laga fulinaayo.

Waxaa ka qaybgalay kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, ku xigeenka Agaasimaha guud ee dowladda,Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha waaxda deeqaha Dibadda, Agsimaha waaxda Cashuuraha Beriga iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan labada Wasaaradood.

Kulanka ayaa siwayn looga hadlay hubinta mashaariicda dalka ka socda in ay mareen u hogaansanka Cashuur bixinta dowladda Puntland iyo Shaqaalaha ka halwaga Hay’adaha in ay bixiyeen cashuurtii ku waajibtay.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay faray in ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibey Shaqalaha ushaqayeeya.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3744

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabayaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismaciil C/nuur Geesey , Maamulayasha, Madax qeybeedayada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid tahay dhisme cusub oo casri ah oo lagu kordhinaayo Xaafisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo ,

Wasiirka ayaa warbixinno ka dhagaystay Xisaabiyaha iyo Injineeradda shaqada dhismaha kawada xarunta, waxana uu kormeeray qeybta Cashuuraha kastamadda Wasaaradda ee Gobolka Mudug halkaas oo Wasaaraddu ka wado dhismayaal cusub.

Ugu dambayn Maxamed Faarax Maxamuud  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda ee dib u casriyanta xarumaha shaqada iyo soo saarista dakhliga.

Baahintii

Xaafiska Warfaafinta iyo Waciyigalinta ee Wasaaradda Maaliyadda dawlada Puntland.

Read More
IMG_3619

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Istaraajiyadaha Qorshaha Dakhli-kicinta 2025[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa guddoomiyey shirka Istaraatijiyadaha Qorshaha Dakhli-Kicinta 2025 iyo casriyaynta goobaha shaqada.

Ujeeddada iyo Ajandaha shirkan ee Fulinta Qorshaha ayaa waxaa ka mid ahaa

1- Maadaama Wasaaradda Maaliyaddu ku guuleystay in habkeeda cashuur qaadista furdooyinka laga dhigay online lana sameeyey system ka PUNTCAS, ayaa laysla qaatay in 2025 la hirgelin doono system kii lagu qaadi lahaa canshuuraha berriga si bulshadda loogu fududeeyo adeeg bixinta.

2- Xalinta Caqabadaha iyo ka miro dhalinta fursadaha lagu horumarinkaro dakhliga sanadkan ee qorshaha ku xusan iyada oo lagu  dhaqmaayo siyaasadda iyo xeerarka dakhli kicinta ee Wasaaradda.

3-ka  jawaabida baahiyaha xarumaha dakhliga hadii ay yihiin gaadiid, qalab iyo saxida caqabadaha shaqada

4- waxaa la qorsheeyay in si joogta ah kormeer loo kormeero gobolada dalka si dabagal loogu sameeyo dakhliga iyo la socodkiisa.

Ugu dambayn kulankan ayaa la isla qaatay ajandaha Shirka ku xusnaa iyo samaaynta jadwal lagu fulinaayo qorshaha sanadka 2025.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay Qorshaha dardargalinta dakhliga iyo jadwalka lagu gaarayo qorshahan waxana uu umahad celiyay Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda oo had iyo goor garab taagan fulinta shaqooyinkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3601

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta dakhliga.

kulankan oo lagu qabtay Xarunta dhexe waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka, Agsimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamka dekedda boosaaso iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta kastamada Puntland oo ay ka mid yihiin kastamkada dekeddaha Boosaaso, Garacad iyo Dardargalinta cashuuraha berriga.

Agaasimayaasha waaxyaha ee kulankan ka qayb galay ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaal ku aadan horumarinta kastamada Puntland waxayna soo jeediyeen xogo badan oo lagu hormarin karo Dakhiga dalka.

Ugu dambayn Wasiir Bulxan ayaa bogaadiyey qorshayaasha lagu hormarinayo Kastamada iyo cashuuraha beriga si loo helo Dakhligii dalka lagu hormarin lahaa laguna difaaci lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More