Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bangiga Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Bankiga dowladda Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga, Agaasimaha Guud ee Bankiga, Agaasime ku xigeenka Bankiga iyo Madax ka socotay Hay’adaha Maaliydeed ee ka hawl gala Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii bulshadu u isticmaali lahaayeen lacagta 50 Dollar oo mudooyinkii udambeeyeyna aan ka shaqaynayn deeganada Puntland.

intii uu socaday kulanka ayaa la isku dhaafsaday sababaha keenay in ay ganacsatadu joojiyaan isticmaalka $50

Dollar iyo sida loo socd siinkaro.

Adeeg siga $50 Dollar ayaa ugu dambaysay  2021, ayana bulshadu ku diideen isticmaalkeeda ka dib markii suuqyada Puntland ay soo galeen lacago been abuur ah $50-ka Dollar na uu ka mid yahay.

Ugu dambayn Bangiga Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aan rasmi ah ku soo saaray isticmaalka lacagta $50, Hay’adaha Maaliyada ee gaarka loo leeyahayna kula dardaarmay Xoojinta iyo fulinta awaamiirta Dowladda Puntland

Masuuliyiintii ka socotay Hay’adaha Maaliyadda ee kulanka kasoo qayb galay ayaa soo dhaweeyay dhaqangelinta go’aanka dowladda ee socodsiinta lacagtaas.

Waxaa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay horay Madaxda Bankiga Dowladda Puntland uga dalbatay in ay kal shaqeeyaan socod siinta lacagta $50 Dollar oo inta badan ay adeegsanayaan Dadka ka soo dega Garoomada Puntland si ay cashuur ahaan ugu bixiyaan iyo sidii bulshada kalena u socod siin lahayd ugu dambayn lagu guuleysaty.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland