Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Puntland oo kawada hadlay Cashuuraha ku waajibay Shaqaalaha Hay’adaha UN,NGO-ska iyo kuwa Maxaliga ah[Sawirro]

GAROOWE    Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshayanta ayaa yeshay kulan ay ka hadleen Cashuuraha ku waajibey Shaqaalaha Hay’adaha UN, NGO, kuwa Maxaliga iyo mashaariicda dalka laga fulinaayo.

Waxaa ka qaybgalay kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, ku xigeenka Agaasimaha guud ee dowladda,Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha waaxda deeqaha Dibadda, Agsimaha waaxda Cashuuraha Beriga iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan labada Wasaaradood.

Kulanka ayaa siwayn looga hadlay hubinta mashaariicda dalka ka socda in ay mareen u hogaansanka Cashuur bixinta dowladda Puntland iyo Shaqaalaha ka halwaga Hay’adaha in ay bixiyeen cashuurtii ku waajibtay.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay faray in ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibey Shaqalaha ushaqayeeya.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland