Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Kastamka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo xarunta dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda halkaasi oo shaqadu si joogto ah uga socoto inta dhismaha cusub la dhammeystirinayo.
Wasiirku waxa uu sidoo kale booqday Kastamka Kantaroolka Magaalada Boosaaso, oo ah xarun muhiim ah oo maamusha badeecadaha dekadda ka soo dega iyo kuwa laga dhoofiyo, dekadduna ay u adeegto gobollada Soomaaliya, Itoobiya, iyo dalalka deriska ah.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu u mahadceliyey masuuliyiintii xarumaha uu kormeeray, isaga oo xusay in kormeerradani ay qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee kor u qaadista hawlaha, kordhinta dakhliga Dowladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalka iyo shaqada hufan.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland



























GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey
Baahintii
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda.

















BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.
Baahintii 
GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland.
Baahintii 
GAROOWE
Baahintii 
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo. 






















GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa guddoomiyey shirka Istaraatijiyadaha Qorshaha Dakhli-Kicinta 2025 iyo casriyaynta goobaha shaqada.
























