
Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo Ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sannadka 2026(Sawirro)
GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026,
Fadhiga Golaha waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha.
Ajandaha fadhigan waxa uu ahaa ka shaqaynta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo saldhig u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee Dowladda Puntland.
Ugu dambeyntii Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ansixinta Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, waxaana oggol u codeeyay 43 mudane, waxa diiday 1 mudane, halka 1 mudane uu ka aamusay.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahadceliyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2026.




Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2025/12/1-15-1.jpg)


