News Somali News May 5, 2024 / Osman Turabi / 0 Comments Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Laantiisa gobolka Bari[Sawirro] BOOSAASO- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqday Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari.Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Bangiga, waxana ay ka wadahadleen shooqyinka socda ee Bangigu wado ee horumarka laga sameeyey.Intii uu Wasiirka kormeerka ku jiray sidoo kale waxa uu booqaday Xafiiska xisaabaadka gobolka Bari, waxana halkaasi kusoo dhaweeyey Warbixina ku siiyey Xisaabiyaha Gobolka Bari Maxamed Cali Madoobe iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Yuusuf Maxamed Yuusuf Iyadoo ay kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa soo xaraynta dakhliga iyo qodobo kale oo muhiim ah.Ugu dambayn Wasiirka ayaa kormeeray qaybta dhismaha cusub oo loo diyaarinaayo si casri ah isagoo Warbixino ka dhageystay Eng Maxamed Cabaas Siciid Jibriil Maamulaha Guud ee Shirka JIBCCON oo wada dhismaha.Dhismahan oo ah mid Casri ah laguna dhisay cashuurtii shacabka laga qaaday Dowladduna hirgelisay ayaa dhowaan la filayaa in la daahfuro.BaahintiiXafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland