Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay koox baaris ku sameynaysa mashaariicda World Bank ee PL[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ku qaabilay koox baaris ku samayn doona habka loo fuliyey mashaariicda Bangiga Adduunnka ka fuliyey Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Kuxigeenka Hantidowrka Puntland, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Madax ka socotay Shirkadda PKF oo fadhigoodu UK iyo mas’uulyiin kale.

Shirkan intii uu socday ayaa looga hadlay mashaariicda world Bank Puntland Laga fuliyey sanadkii 2022 ee ay ka mid yihiin DRMPFM, CIP iyo SURP-para.

Mas’uulyiinta shirkada PKF ayaa saldhigga ugu wayn kuleh UK, waxana ay laan ku leedahay Kenya iyagoo gacan siin doona hanti dhowrka Puntland.

Bangiga Aduunka ayaa baaris ku sameeya sanad walba Mashariicda uu dalka ka fuliyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland