Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Gollaha Baarlamaanka Puntland horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2024-ka[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Wasiir Kuxigeenada Wasaaradda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimaha Waaxda Miisaniyada iyo mas’uulyiin kale ayaa ka qab galay kulanka hor geynt Miisaniyada ee Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Gollaha ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxaana ku weheliyey Guddoomiye Kuxigeenada Gollaha wakiiladda Puntland.

Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2024-ka ayaa dhan $387,550,700 – ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), kororka Miisaaniyadda ayaa ah 3% (Boqolkiib seddex) marka la bar-bar dhigo Miisaaniyadii sannadkii hore.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Gollaha Wakiilladda waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dowladda Sannadka 2024-ka, taasoo ka bilaabaneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2024-ka kuna eg December 31, 2024 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland