
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababarka ku aadan Sharciga Maamulka Maaliyadda u qabatay 15-ka degmo ee Xeebaha dhaca ee Puntland

GAROOWE – Wasaaaradda Maaliyada Dowladda Puntland ayaa maanta tababar ku aadan sharciga Maamulka Maaliyadda Guud ee DPL ugu qabatay xarunta dhexe Ee Wasaaradda 15 ka mida Guddoomiyayaasha Degmooyinka Xeebaha dhaca iyo xog-hayayaasha Degmooyinka.
Ujeedka tababarka ayaa ahaa baahinta shuruucda Maareynta Maaliyadda iyo kor u qaadida fahanka sharci ee mas’uuliyiinta Dowladda heer degmo si ay u gaarsiiyaan deeganada ay maamulaan una hirgaliyaan.
Waxaa kaloo tababarka ka soo qayb qaalay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala deegaanada xeebaha oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Garoowe.
Tababarkan waxaa bixiyey khuburada arrimaha shuruucda Wasaaradda Maaliyadda waxana daah-furay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadaa iyo Arrimaha Gudaha.
Baahinta
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo Shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda ee xeebaha Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/08/1-16-11-1-150x150.jpg)
![Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiska Mashaariicda Waddooyinka Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/09/1-1-150x150.png)

