Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Airport-ka Garoowe[Sawirro]

 

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe iyo Agaasime xigeenka Guud ee Bankiga Dowladda Yuusuf Maxamed Faarax ( Gees ) ayaa kormeeray shaqaalaha labada Hay’adood ee ka hawl gala Airportka General Maxamed abshir Airport taas oo ah baraha uu dakhligu ka soo xeroodo.

Kormeerka kadibna Mas’uulyiinta ayaa kulan kuwada qaatay airportka kaas oo ay uga wada hadleen wax ka bedel iyo casriyayn lagu sameeyay nidaamka ururinta iyo xeraynta dakhliga kaas oo laga hirgeliyay dhammaan goobaha dakhliga ayna mudo kawada shaqaynayeen Bankiga dowladda iyo wasaarada Maaliyadda .

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Maareeyaha Guud ee airport-ka Muuse Abdirashiid Jamac, Agaasime kuxigeenka Guud ee dakhliga cabdiqaadir Maxamed Xaash, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobolka Nugaal , hawl wadeeno iyo mas’uuliyiin ka socday labada Hay’adood ,waxana isfahan laga gaaray sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqayn karaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland