
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobalka Nugaal ayaa booqasho ay ugu kuurgelayaan habsami u socodka shaqada ku tagey Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee magaalada Garoowe.
Wasiirka Ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kormeerka ku weheliyey ayaa halkaas kula kulmay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo ciidamada ilaalinta cashuuraha ee goobahaas ka hawlgala, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan Ilaalinta dakhliga iyo habsami u socodka shaqada.
Booqashada Wasiir Bulxan ayaa qayb ka ah kormeero joogta ah oo uu ku kala bixin doono dhammaan goobaha dakhliga kala duwan ee dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland





















![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/04/1-18-2-150x150.jpg)
![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha General Abshir ee Garoowe[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/04/1-6-10-150x150.jpg)

