Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo degmada Eyl ka dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]
EYL – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo safar shaqo ku tagay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Maaliyada Puntland.
Dhagax dhiga dhismaha waxaa ka qayb galay Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga, Xisabiyaha Wasaardda Maaliyada gobalka Nugaal, Maamulaha Cashuuraha Berriga Iyo Maamulka degmada Eyl.
Dhismahan oo ay dhistay Dowladii Soomaaliya balse aan la isticmaalin mudadii burburka ahayd ayaa lagu samayn doonaa ballaarin iyo dib u dhis, waxayna madaxda Wasaaradu sheegeen inuu dhismahani qayb ka yahay dhismayaal ay Wasaaradu ka wado degmooyinka kala duwan ee Puntland sida Dhahar, Galdogob, Garacad, Bareeda, Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Garowe Iyo Falaydhyaale.
Gudoomiye Ku-Xigeenka degmada Eyl ayaa uga mahadceliyey Wasaarada Maaliyada dhismaha gurigan, wuxuuna sheegay inuu noqon doono horumar degmada kusoo siyaaday, isagoo ugu baaqay hay’adaha kale ee Dawlada inay iyaguna Ku daydaan Wasaarada Maaliyadda ayna degmda ka hirgeliyaan xarumahooda.
Ugu danbayn Madaxda Wasaarada Maaliyada ayaa dhan kooda Maamulka degmada Eyl uga mahadceliyey wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda, ka qayb qaadashada hirgelinta dhismahan iyo qorshaha dardargelinta dakhliga degmada taariikhiga ah Ee Eyl oo leh xeeb balaaran.
Wasaarada Maaliyada ayaa bilowday qorshe baaxad leh oo ay Ku horumarinayso xarumaha Wasaarada ee degmooyinka Iyo gobaladda kala duwan Ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland