Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo qalab shaqo socod-siinta ah ku wareejiyay Madaxda gobolada ee Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Kuxigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa agab isugu jira Kombuyuutaro iyo Printero ay diyaarisay Wasaaraddu guddoonsiiyey madaxda gobolada si kor loogu qaado hannaanka goobaha shaqada ee Wasaaradda.
Isku duba ridka qalabkan ayaa timi ka dib markii kormeero ay Madaxda Wasaaraddu ay ku tageen xarumaha gobolada fogfog loona soo gudbiyey baahiyaha jira ayaa Wasaraddu ka jawaabtay baahiyahaasi qalab si loo horimariyo shaqooyinka.
Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa ka hadlay bixinta qalabkan.
” Wasaradda Maaliyaddu waxaa ay u guurtay habka Systemka Computerka lagana guuray habkii qorida Buuga ee Menwal si aysan liig uga iman xeraynta Dakhliga isuna dhamaysaranto dhanka la janqada shaqada ee Dakhliga, waxayna noo tahay talaabo dhanka horumarka ah oo horay loo qaaday”
Wasaradda Maaliyadda ayaa muddooyinkii u dambaysay ku hawlanayd sidii loo casriyan lahaa xarumaha kala duwan ee Wasaradda, sidii kor luga qadi laha aqoonta shaqalaha iyo hagaajinta nidamka xarumaha.
Ugu dambayn Agaasimaha ayaa la dardaarmay mas’uuliyiinta lagu wareejiyey qalabkan in ay ilaa liyaan, bulshadda Puntland ugu shaqeeyaan.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland