Wasiirka Maaliyadda Dowladda Punland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka Horimarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Ku-xigeenka Guud Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda.
Kulankan ayaa ah kulan bile ah oo diirradana lagu saaro shaqooyinka horumarka laga saneeyey, caqabadaha jiray iyo shaqooyinka yaala in la qabato.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Agaasimayaasha Wasaradda iyo madax qaybeedyada ayaa Wasiirka la wadaagay xog ku aadan saxida shaqooyinka Xisaabaadka,dardargalinta dakhliga iyo hormarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddao ayaa uga mahad celiyey Mas’uulyiinta Wasaaradda xogaha shaqada ee ay la wadaageen waxana uu Mas’uulyiinta Wasaaradda la wadaagay in laga sugaayo dhaqaalahii dalka lagu hormarin lahaa, lagu difaaci lahaa laguna socd siin lahaa adeegyada Dowladnimo.
Ugu dambayn Mudane Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa faray Mas’uulyiintii shirka ka qayb galay in la muujiyo dadaal dheeri oo dhan walba ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.