Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Kormeerka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Maamulaha furdooyinka gobolka Bari iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Kastamka, waxaana uu Maamulahu xog ka siiyey Wasiirka shaqooyinka maalin laha ah ee ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu kuna aadan cashuurista badeecadaha ka dhoofaya kana soo dega Garoonka ee ay wadaan Duulimaadyadu.

Wasiirka iyo mas’uulyiinta kale ee Wasaaradda ayaa booqday Xafiisyada Kastamka Wasaaradda iyo qaybaha kale ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Ugu dambayn Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga, bulshada cashuur bixiyaha ahna la soo dhoweeyo.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Â