Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Shaqooyinka iyo Dib u habeynta Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Wasaaradda iyo dib-u-habeynta shaqaalaha.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka,
ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,
Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimeyaasha waaxyaha, Madax qaybteeda Wasaaradda iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-habeynta shaqaalaha iyo
sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda korna loogu qaadi lahaa hawlaha mudnaanta u leh qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay waxyaha kale duwan ee Wasaaradda shaqoyinka ay hayaan isaga oo xusay in loo baahan yahay in la sii kordhiyo dadaalka si loo xaqiijiyo qorshaha Wasaradda lagu hormarinayo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland





















