Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Qaab-dhismeedka Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2026[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland,oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay Qaab-dhismeedka Miisaaniyadeed Dowladda Puntland ee sanadka 2026.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda,
Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahna Xisaabiye Ku-xigeenka, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda.
Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay qeyb qoralka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2026, iyadoo la isla falanqeeyay qorshayaasha iyo jihada guud ee maaliyadeed ee sanadka soo socda.
Shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Maaliyaddu ku xaqiijinayso hufnaanta, isla xisaabtanka iyo qorsheynta maaliyadeed Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland