Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Dakhliga ee Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaardda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta kormeer shaqo Ku tagey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna halkaasi Ku kormeereen xafiisyada kala duwan ee heer gobal iyo xarunta dhexe ee Dakhlig.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga,Agaasimayaasha waaxyaha, Xisaabiyayaasha gobaladda Nugaal iyo Sool, Madaxda kala duwan ee xarunta, waxayna dhamaantood wasiirka warbixin kasiiyeen habsami u socodka shaqada siiba kor u qaadista dakhliga iyo yoolasha la hiigsanaayo.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalka shaqo ee ay gacanta Ku hayaan, isla markaana ay mar walba keenaan aragtiyo cusub oo dakhliga lagu hormarinaayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland