Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Bilaha ee kala War-qaadashada Xisaabiyaasha gobolada dalka[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Caali Jaamac Gaashaan Iyo Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey kulanka billaha ee kala war-qaadashada Xisaabiyeyaasha gobalada Iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qayb-galeen Agaasimaha waaxda cashuuraha Beriga, saraakiisha xisaabaadka guud Iyo dakhliga ayaa u qabsoomay hab fogaan arag ah (Zoom) waxaana xooga lagu saaray wax yaabaha ka qabsoomay qaladaadkii uu baaristii ugu danbaysay kusoo bandhigay Hantidhawrka guud ee Dawlada Puntland, gaar’ahaan dhanka Dakhliga.

Xisabiyeyaasha gobalada ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo bandhigay talaabooyinka ay qadeen Iyo wax yaabaha u qabsoomay ee ay  ku saxeen habka qabashada Iyo xaraynta Dakhliga Dawlada, waxayna tilmaameen inay isbadel weyn Ku sameeyeen habkii Dakhli xaraynta Dawlada.

Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda Iyo agaasime guud ku-xigeenka dakhliga ayaa dhankooda qiray horumarka laga sameeyey dakhliga, waxayna ku gubaabiyeen Xisaabiyeyaasha gobalada inay sii labba jibaaraan shaqada ayna xooga saaraan kor joogtaynta Iyo ilaalinta shaqooyinka dakhli qabasho ee ka socda goobaha dakhliga, waxayna balan qaadeen inay fududayn doonaan wax yaabaha dhankooda Ku aadan oo ay kamid tahay tababaro dhawaan loo furi doono Shaqaalaha gobalada.

Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Kulanka Soo xiray ayaa Xisaabiyeyaasha gobalada ku aamanay dadaalka shaqo ee muuqda, wuxuuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ayna u kala war qaadan doonaan si bille ah si Loo ogaado hadba wixii qabsoomay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland