Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Kastamka dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Gaalkacyo[Sawirro]
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud, oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimadka, Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Waxbarashadda, Wasiirudowlaha Madaxtooyadda, Wasiir kuxigeenka howlaha guud, Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa maanta xariga kajaray dhismaha Cusub ee Kastamka dhexe ee Gaalkacyo Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug.
Munaasabadda xarrig jarka dhismahan ayaa waxa faahfaahin ka baxshay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug mudane
Ismaaciil C/nuur Geesey, Isagoo sheegay in kharashka kubaxay dhismahan ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda bulshadana loogu shaqayn doono, Wasiirkana Maaliyaddana uga mahadceliyey hirgalinta dhismayaasha Wasaaraddu ka wado Gobolka Mudug
Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa umahad ceshay xisaabiyaha Gobolka isagoo ku amaanay sidii uu uga shaqeeyey hirgalinta dhismahan iyo Hormarinta shaqada iyo Dakhliga Wasaaradda Gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in dhismahan iyo dhismaha wali socda ee xarrunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ay labadaba lacagta ku baxasay ay bixisay Wasaaradda Maliyadda oo ka bixinaysa cashuurta laga qaado dadweynaha reer Puntland.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliayadda iyo Mas’uulyiinta dawlada ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ka mid yihiin Suuqa xerro dayax, Isbitaalka guud, Dugsiyada hoose dhexe ee Bardacad, ummadda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug, Qaybta Police-ka G/Mudug iyo Radio Galkacyo
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland