1 (11)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furtay Tababarka Cashuuraha Mushaharka Shaqaalaha[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa maanta daah-furay Tababar ku saabsan Hannaanka adeegsiga nidaamka IFMIS.

Tababarka ayaa waxaa loo qabtay Shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Inta u socdo tababarka ayaa waxaa shaqaalaha Lagu baridoonaa, hannaanka ururinta Cashuurta Shaqaalaha (Corporate Payroll Collection System), ujeedka ayaa ah sidii kor lagu qaadi lahaa Hufnaanta shaqada iyo xirfada shaqaalaha.

Mudane Xaashi ayaa shaqaalaha u soo jeediyay in ay ka faa’idaystaan Casharada la siinayo loogana baahan yahay in uu qof waliba fahan guud ka haysto nidaamka PFMIS qeybaha Cashuuraha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Sweden ee Soomaaliya[Sawirro]

GAROOWE- Kulan dhex maray Madaxda Wasaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern ayaa laysku waydaarsaday warbixino kala duwan, waxaana laysku afgartay dhammaan wax yaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagatay Maxjarada magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Maxjarada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka Maxjarada, Dhakhaatiirta iyo Ganacsatada ku hawlan dhoofka Xoolaha.

Mas’uulyiinta Maxjarada ayaa Wasiirka uga warbixiyey Xoolaha soo gala Maxjarada loona diyaarinayo sidii loogu iib gayn lahaa wadamada ay dowladda Puntland xiriirka dhow leeyihiin.

Waxaa xusid mudan in Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni uu kusimaha Maxjarada u magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqday koobaha lagu naaxiyo Xoolaha laguna baaro caafimadkooda xili ay shaqooyinkii maalinlaha ah ka socdeen Maxjarada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (7)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda Laantiisa gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqday Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Bangiga, waxana ay ka wadahadleen shooqyinka socda ee Bangigu wado ee horumarka laga sameeyey.

Intii uu Wasiirka kormeerka ku jiray sidoo kale waxa uu booqaday Xafiiska xisaabaadka gobolka Bari, waxana halkaasi kusoo dhaweeyey Warbixina ku siiyey Xisaabiyaha Gobolka Bari Maxamed Cali Madoobe iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Yuusuf Maxamed Yuusuf Iyadoo ay kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa soo xaraynta dakhliga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kormeeray qaybta dhismaha cusub oo loo diyaarinaayo si casri ah isagoo Warbixino ka dhageystay Eng Maxamed Cabaas Siciid Jibriil Maamulaha Guud ee Shirka JIBCCON oo wada dhismaha.

Dhismahan oo ah mid Casri ah laguna dhisay cashuurtii shacabka laga qaaday Dowladduna hirgelisay ayaa dhowaan la filayaa in la daahfuro.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (15)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan wadatashi Iyo dardargelinta Dakhliga la qaadatay Madaxda shirkadaha bixiya Tamarta Korontada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan wadatashi iyo dardargalinta dakhliga la qaatay Madaxda shirkadaha bixiya tamarta korontada Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Waasaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Wasaaradda Korontada, Biyaha iyo Macdanta,
Wakaalada Horumarinta korontada iyo Shirkadaha bixiya adeegga korontada Puntland.

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Korontada Puntland Mudane Maxamed Abshir Muuse oo Faah-faahin ka bixiyey ujeedada shirka ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashi dhexmara hay’adaha Dowlada iyo shirkadaha bixiya adeegga korontada oo uu sheegay in midba kan kale u baahan yahay sidii uu gacan uga heli lahaa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Korontada iyo Macdanta Puntland Mudane Saciid Salaad ayaa sheegay inay wasaaradu diyaarisay siyaasadii lagu maamuli lahaa korontada Puntland dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay Dowladu ku mashquulsan tahay sidii loo horumarin lahaa adeegga korontada Puntland, loona gaarsiin lahaa guud ahaan deegaanada Puntland iyadoo laga faaidaysanaayo wax yaabaha dabiiciga ee korontada laga dhaliyo oo ay kamid yihiin qoraxda iyo dabaysha si uu Wadanku u helo koronto jaban Oo soo jiidata maalgashiga ganacsiga iyo warshadaha.

Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa isagu tilmaamay inay korontadu tahay hal-bowlaha nolosha ayna waajib tahay inay Dowladu mas’uuliyad dheeri ah iska saarto sidii loo taageeri lahaa, isagoo dhanka kalena sheegay inay shirkadaha ganacsigana ay waajib dastuuri ah ku tahay inay bixiyaan Cashuuraha Ku waajibay, wuxuuna ugu baaqay inay si mas’uuliyadi ku dheehan tahay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay sida cashuurta adeegga raacda(GST) iyo Cashuurta mushaarka shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa dhankiisa uga mahadceliyey wakaaladda horumarinta korontada oo soo abaabushay shirkan, wuxuuna sheegay inay gaabis tahay bixinta cashuurta shirkadaha bixiya adeegga korontada wixii hada ka danbeeyana xooga la saaro, sidoo kale wuxuu sheegay inay Dowladu diyaar u tahay garab istaaga shirkadahan oo adeeg muhiim ah u haya bulshada, ayna iminka wadada kusoo jiraan mashaariic muhiim ah oo lagu taageeraayo adeegga korontada Puntland.

Agaasime Ku-xigeenka dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ugu dambayn ka codsaday shirkadaha bixiya korontada inay mas’uuliyad dheeri ah iska saaraan cashuur bixinta, isagoo tilmaamay shirkadii aan bixin cashuurta in laga hor istaagi doono taageerada Dowlada, hay’adaha Caalamiga iyo Cashuur dhaafyada kala duwan.

Ugu dambayn Wasaaradda Maaliyadda ayaa shirkadaha korontada usoo bandhigtay nidaamka ay u maraayaan bixinta cashuurta iyo Cashuuraha ku waajibay shirkadahan.

Baahintiia

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (11)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Iyo madax ka socotay Hay’adda UNOPS oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Saraakiisha Dakhliga ayaa xarunta dakhliga ku qaabilay mas’uulyiin ka socday Hay’adda UNOPS oo ka yimi magaalada Nairobi.

Waftiga imaanshahooda Puntland gaar ahaan xarunta dakhliga ayaa qayb ka ah wada shaqaynta labada dhinac Hay’adda iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa mas’uuliyiinta ka codsaday in gacan laga siiyo sidii ay Wasaaradda Maaliyadda uga caawin lahaayeen cashuurista mashaariicda ay bixiyaan kuna guulaystaan shirkadaha Soomaaliyeed iyo kuwa ajaaniibta ee ka hawl gala Puntland.

Mas’uulyiinta Hay’adda UNOPS ayaa dhankooda ballan qaaday in Wasaaradda Maaliyadda kala shaqayn doonaan cashuurista mashaariicda Socda ee ay wadaan iyo kuwa imaan doona wada shaqayn dhowna la yeelan doonaan.

Ugu dambayn kulanka ayaa laysku afgartay dhammaan waxyaabihii looga wada hadlay labada dhinac.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More