Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan wadatashi Iyo dardargelinta Dakhliga la qaadatay Madaxda shirkadaha bixiya Tamarta Korontada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan wadatashi iyo dardargalinta dakhliga la qaatay Madaxda shirkadaha bixiya tamarta korontada Puntland.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Waasaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Wasaaradda Korontada, Biyaha iyo Macdanta,
Wakaalada Horumarinta korontada iyo Shirkadaha bixiya adeegga korontada Puntland.
Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Korontada Puntland Mudane Maxamed Abshir Muuse oo Faah-faahin ka bixiyey ujeedada shirka ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashi dhexmara hay’adaha Dowlada iyo shirkadaha bixiya adeegga korontada oo uu sheegay in midba kan kale u baahan yahay sidii uu gacan uga heli lahaa.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Korontada iyo Macdanta Puntland Mudane Saciid Salaad ayaa sheegay inay wasaaradu diyaarisay siyaasadii lagu maamuli lahaa korontada Puntland dhawaana ay soo bandhigi doonaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay Dowladu ku mashquulsan tahay sidii loo horumarin lahaa adeegga korontada Puntland, loona gaarsiin lahaa guud ahaan deegaanada Puntland iyadoo laga faaidaysanaayo wax yaabaha dabiiciga ee korontada laga dhaliyo oo ay kamid yihiin qoraxda iyo dabaysha si uu Wadanku u helo koronto jaban Oo soo jiidata maalgashiga ganacsiga iyo warshadaha.
Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa isagu tilmaamay inay korontadu tahay hal-bowlaha nolosha ayna waajib tahay inay Dowladu mas’uuliyad dheeri ah iska saarto sidii loo taageeri lahaa, isagoo dhanka kalena sheegay inay shirkadaha ganacsigana ay waajib dastuuri ah ku tahay inay bixiyaan Cashuuraha Ku waajibay, wuxuuna ugu baaqay inay si mas’uuliyadi ku dheehan tahay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay sida cashuurta adeegga raacda(GST) iyo Cashuurta mushaarka shaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa dhankiisa uga mahadceliyey wakaaladda horumarinta korontada oo soo abaabushay shirkan, wuxuuna sheegay inay gaabis tahay bixinta cashuurta shirkadaha bixiya adeegga korontada wixii hada ka danbeeyana xooga la saaro, sidoo kale wuxuu sheegay inay Dowladu diyaar u tahay garab istaaga shirkadahan oo adeeg muhiim ah u haya bulshada, ayna iminka wadada kusoo jiraan mashaariic muhiim ah oo lagu taageeraayo adeegga korontada Puntland.
Agaasime Ku-xigeenka dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ugu dambayn ka codsaday shirkadaha bixiya korontada inay mas’uuliyad dheeri ah iska saaraan cashuur bixinta, isagoo tilmaamay shirkadii aan bixin cashuurta in laga hor istaagi doono taageerada Dowlada, hay’adaha Caalamiga iyo Cashuur dhaafyada kala duwan.
Ugu dambayn Wasaaradda Maaliyadda ayaa shirkadaha korontada usoo bandhigtay nidaamka ay u maraayaan bixinta cashuurta iyo Cashuuraha ku waajibay shirkadahan.
Baahintiia
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland