Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagatay Maxjarada magaalada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Maxjarada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka Maxjarada, Dhakhaatiirta iyo Ganacsatada ku hawlan dhoofka Xoolaha.

Mas’uulyiinta Maxjarada ayaa Wasiirka uga warbixiyey Xoolaha soo gala Maxjarada loona diyaarinayo sidii loogu iib gayn lahaa wadamada ay dowladda Puntland xiriirka dhow leeyihiin.

Waxaa xusid mudan in Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni uu kusimaha Maxjarada u magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqday koobaha lagu naaxiyo Xoolaha laguna baaro caafimadkooda xili ay shaqooyinkii maalinlaha ah ka socdeen Maxjarada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland