1 (15)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Madaxda, Shaqaalaha Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka ee gobolada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa maanta xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka furmay tababar loo qabtay Madaxda iyo shaqaalaha cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka ee dhammaan gobolada Dowladda Puntland.

Daah-furka tababarka waxaa goob-joog ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha.

Tababarka ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona dhammaan Saraakiisha Cashuuraha Berriga ee gobolada, waxaana mudada u socon doono lagu bari doonaa hannanka Tacriifada cashuur qaadista iyo cashuuro kale oo la xiira Dakhliga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa xusay in tababarkan uga faa’iidaystaan Tacriifada la ansixiyey ee la casriyeeyey, Sharcigii Cashuuraha Berriga iyo sharcigii PFM, waana muhiim in aad ka faa’idaysataan tababarka.

Dhinaca kale Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyadda tababarka, waxaan u sheegay in muhiimada kowaad la siinayo sidii loo xoojin laha hannanka cashuur-qadista ee ku qotonta Tacriifada cashuuraha Barriga.

Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhankiisa soo jeediyay in loo baahanyahay in casharada ay qataan Saraakiisha Dakhliga ay dib ugu celiyaan xarumaha ay ka yimadeen.

Ugu Danbayntii Wasiir Ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda oo daah-furay Tababarka ayaa xusay in loo baahan yahay in xoogga la saaro fahanka guud ee Tacriifada, si loo horumariyo Dakhliga Guud ee Dowladda, waxana uu Wasiirku xusay in tababarada noocan oo kale ah ay joogtayn doonto Wasaaraddu laguna salaynayo kor u qaadista aqoonta Shaaqalaha Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
437376670_829747089178595_6205416446857482082_n

Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo booqday Bangiga Dowladda Laantiisa gobolka Bari[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari halkaasi oo ay ku kala war qaateen madaxda Bangiga.

Wasiirka ayaa la siiyey warbixino la xiriira dhismaha cusub ee Bangiga oo maraya heer gabogabo ah kaasi oo lagu dhisay isku tashi, waxana uu boggaadiyey dhismah la hirgeliyey.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqaday Xafiisyada Bangiga ee ay ka socdaan shaqooyinka xisaabaadku.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna Kusimaha Wasiirka Puntland Mudane Eng. Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlaayey horumarinta shaqada Wasaaradda.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka,ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa diirada lagu saarey wax yaabaha u qabsoomay Wasaaradda 5tii sano ee la soo dhaafay, shaqooyinka hortabinta leh ee u baahan in xooga la saaro 5ta sano ee soo socota,Kor uqaadida dakhliga iyo Horumarinta Maamulka Wasaaradda.

Ugu dambayn Wasiir Kuxigeenka ayaa boggaadiyey aragtiyihiii shaqooyinka Wasaarada Maaliyadda lagu horumarinayey ee ay soo badhigeen Agaasimeyaasha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (6)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha General Abshir ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Bangiga dhexe Mudane khadar Ugaas Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garowe iyo Kantaroolka Bari.

Wasiir Bulxan ayaa madaxda kastamka ka dhagaystay habsami u socodka shaqada iyo caqabadaha kala duwan ee haysta, waxayna kula dardaarmeen guud ahaan inay xooga saaraan sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa, loogana dheeraan lahaa wax kasta oo wax u dhimi kara dakhliga Dowladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeer ku tagey kantarooka Bari, waxaana uu halkaasi kula kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku hawlan soo saarista dakhliga.

Waxaa xusid mudan in Mas’uuliyiintan sidoo kale kormeerka ku weheliyeen agaasimaha waaxda furdooyinka, Agaasime ku-xigeenka guud ee Bangiga dhexe, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulaha kastamka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (20)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobalka Nugaal ayaa booqasho ay ugu kuurgelayaan habsami u socodka shaqada ku tagey Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee magaalada Garoowe.

Wasiirka Ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kormeerka ku weheliyey ayaa halkaas kula kulmay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo ciidamada ilaalinta cashuuraha ee goobahaas ka hawlgala, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan Ilaalinta dakhliga iyo habsami u socodka shaqada.

Booqashada Wasiir Bulxan ayaa qayb ka ah kormeero joogta ah oo uu ku kala bixin doono dhammaan goobaha dakhliga kala duwan ee dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda oo ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa looga hadlay wax yaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqooyinka dhiman in la dhamaystiro sanada 2024.

Shirkan ayaa sidoo kale looga dooday qorshayaasha waxqabad ee dowladda Puntland 5ta sano soo socota iyo doorka ay ku leedahay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu Dambayn shirkan ayaa lays ku afgartay dhamman qodobadii looga wada-hadlay ,waxaana loo saaray gudi gaar ah oo arrimahan ka soo shaqayn doona.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
436421001_827157236104247_2143501835334204508_n

Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo Booqday Kastamka Wasaaradda ee Airport-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagey kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Kormeerkan shaqo ayaa salka ku hayey dardargalinta shaqada iyo kor u qaadida dakhliga si loo dhiiri geliyo Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan goobaha dakhli soo saarka.

Wasiirka ayaa warbixinno shaqooyinka la xiira ka helay Madaxda goobaha uu booqaday, waxana uu kula dardaarmay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinkii ay bulshada u hayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (15)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Furdada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid oo safar shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqaday kastamka Furdada Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamule Kuxigeenka Furdada Bosaaso ee Wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Dekeda Boosaaso, waxana uu booqaday goobaha ay ka socdaan shaqooyinku iyo halka ay ka socoto shaqooyinka ballaarinta dekeda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka xog ka siiyey shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo heerka dakhligu maraayo.

Maxamuud shiikh Ciid, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari kula dardaarmay dardargalinta iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (3)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la qaatay Madax ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya[Sawirro]

ADDISABABA – Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Dowladda Puntland oo sii wada booqashadoodii rasmiga ahayd ee ay ku joogaan magaalada Addis Ababa ayaa shirar kala duwan kula yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Hay’adda Kastamyada dalka Itoobiya.

Shirarka waxaa kale oo goob joog ka ahaa Qunsulka Guud ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Dowladda Puntland.

Shirarka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Waftiga Puntland iyo Madaxda Hay’adda Kastamyada Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isla gartay in la dedejiyo hawlgalinta Kastamka Tuurdibi iyo goobaha kale ee laysaga gudbo.

Shirarka ay Guddigu la yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka (Transport and Logistics Ministry) iyo Madaxda Kastamyada ayaa ku soo dhammaaday is faham iyo in si degdeg loo bilaabo iskaashi dhinacyo badan leh, una faa’ideynaya danaha horumarineed ee Puntland iyo Itoobiya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABABA – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Addis Ababa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ethiopia.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Mesganu Arga ayaa Wadahadalkooda labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Waftiga Dowladda Puntland ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray dowladda Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u dhacday doorashadii dhacday.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More