Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Mesganu Arga ayaa Wadahadalkooda labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.
Waftiga Dowladda Puntland ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.
Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray dowladda Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u dhacday doorashadii dhacday.