Tababarka ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona dhammaan Saraakiisha Cashuuraha Berriga ee gobolada, waxaana mudada u socon doono lagu bari doonaa hannanka Tacriifada cashuur qaadista iyo cashuuro kale oo la xiira Dakhliga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa xusay in tababarkan uga faa’iidaystaan Tacriifada la ansixiyey ee la casriyeeyey, Sharcigii Cashuuraha Berriga iyo sharcigii PFM, waana muhiim in aad ka faa’idaysataan tababarka.
Dhinaca kale Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyadda tababarka, waxaan u sheegay in muhiimada kowaad la siinayo sidii loo xoojin laha hannanka cashuur-qadista ee ku qotonta Tacriifada cashuuraha Barriga.
Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhankiisa soo jeediyay in loo baahanyahay in casharada ay qataan Saraakiisha Dakhliga ay dib ugu celiyaan xarumaha ay ka yimadeen.
Ugu Danbayntii Wasiir Ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda oo daah-furay Tababarka ayaa xusay in loo baahan yahay in xoogga la saaro fahanka guud ee Tacriifada, si loo horumariyo Dakhliga Guud ee Dowladda, waxana uu Wasiirku xusay in tababarada noocan oo kale ah ay joogtayn doonto Wasaaraddu laguna salaynayo kor u qaadista aqoonta Shaaqalaha Wasaaradda.