Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Furdada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid oo safar shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqaday kastamka Furdada Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamule Kuxigeenka Furdada Bosaaso ee Wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Dekeda Boosaaso, waxana uu booqaday goobaha ay ka socdaan shaqooyinku iyo halka ay ka socoto shaqooyinka ballaarinta dekeda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka xog ka siiyey shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo heerka dakhligu maraayo.

Maxamuud shiikh Ciid, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari kula dardaarmay dardargalinta iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland