
Shir ku saabsan Kicinta Iyo Dardargelinta Hay’adda Qandaraas bixinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]
GAROOWE- Shir ku aadan kicinta iyo dardargelinta shaqada Hay’adda qandaraas bixinta ayaa maanta ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Hantidhawrka guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraas bixinta, Agaasime Kuxigeenka guud dakhliga, agaasimaha waaxda maamulka hay’adda qandaraas bixinta, agaasimaha waaxda cashuuraha beriga iyo xisaabiyaha gobalka Nugaal.
Shirka intii uu socday ayaa si wayn looga dooday sidii Hay’adaha Dowladdu si wada jir ah uga qayb gaadan la hayeen dardargalinta dakhliga ayadoo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah halkaasi laga soo jeediyay.
Ugu dambayn Shirka ayaa loo saaray gudi ka kooban Madaxtooyada, Hantidhawrka guud, Hay’adda qandaraas bixinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta kuwaas oo kulamo joogta ah ka yeelan doona sidii Loo dar-dargelin dakhliga dalka ayna hay’adu hu qaadan lahaayeen doorkeeda shaqo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland















![Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Guddiga Dhaqaalaha&Xisaabaadka ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/07/1-1-2-1-150x150.jpg)
![Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas'uuliyiinta Waaxyaha Waasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2024/07/1-1-6-1-150x150.jpg)

