News Somali News July 6, 2024 / Osman Turabi / 0 Comments Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Guddiga Dhaqaalaha&Xisaabaadka ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay[Sawirro] GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa kulan la yeeshay Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee GolLaha Wakiillada Dawladda Puntland.Guddiga waxaa kulan la yeeshay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.Dhowaan ayaa madaxda Wasaaradda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladdu Gollaha hor geeyeen Xisaab-xirka Sannad-Maaliyadeedkii 2023 Gollaha Baarlamaankuna ay ku guda jiraan akhriska Xisaab-xirka.Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Gollaha Baarlamaanka ayaa su’aalo la xiriira Xisaab-xirka 2023 waydiiyey Madaxda Wasaaradda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyagoona uga jawaabay Dhammaan su’aalahii Guddigu waydiiyey.BaahintiiXafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland