GAROOWE – Wasaaaradda Maaliyada Dowladda Puntland ayaa maanta tababar ku aadan sharciga Maamulka Maaliyadda Guud ee DPL ugu qabatay xarunta dhexe Ee Wasaaradda 15 ka mida Guddoomiyayaasha Degmooyinka Xeebaha dhaca iyo xog-hayayaasha Degmooyinka.
Ujeedka tababarka ayaa ahaa baahinta shuruucda Maareynta Maaliyadda iyo kor u qaadida fahanka sharci ee mas’uuliyiinta Dowladda heer degmo si ay u gaarsiiyaan deeganada ay maamulaan una hirgaliyaan.
Waxaa kaloo tababarka ka soo qayb qaalay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala deegaanada xeebaha oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Garoowe.
Tababarkan waxaa bixiyey khuburada arrimaha shuruucda Wasaaradda Maaliyadda waxana daah-furay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadaa iyo Arrimaha Gudaha.
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Shaqaalaha Wasaaradda ee ka howlgala gobolada xeebaha Puntland.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uulyiin Wasaaradda ee ka hawl gala Xeebaha ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay shaqooyiinka cashuuraha, goobaha ay ka shaqeeyaan,Dakhliga soo xerooda iyo caqabadaha jira una baahan in la xaliyo.
Ugu dambayn Wasiirku xigeenka Dalkhliga ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobaladda Xeebaha ka hawal gal kula dardaarmay dadaal shaqo iyo dardargelinta dakhliga.
GAROOWE – Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland HE Ilyaas Cismaan Lugatoor oo soo xiray Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax-soosaarka Kalluumeysiga ee degmooyinka ku yaal Xeebaha Puntland.
Shirka ayaa laga soo saaray qodobadan –
1. Maamul wanaagga.
B. Shirku waxa uu xoojinayaa maamul wanaagga iyo wadda shaqeynta dhammaan hay’adaha dowliga ah ee ka howlgala degmooyinka xeebaha kuyaalla.
T. Shirku wuxuu dhiirrigeliyay maamul daadejinta adeegga degmoonyinka xeebaha dhaca, si nidaamka dowliga ah u gaaro bulshada ku nool deegaanadda xeebaha Puntland iyaga oo aan meel kale u safrin sida: garsoorka, booliiska, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo dhammaan adeegyadda asaasiga u ah bulshada.
J. Waxaa la isku waafaqay in shirkaani noqdo mid sannadle ah, si looga arrinsado arimaha hortebinta leh iyo diraasaynta wixii ka qabsoomay iyo xallinta caqabadaha ka horyimi go’aamadii shirkii hore.
X. Shirku waxa uu xoojiyey in saraakiisha idman ee hay’adaha kala duwan ee dowladda ay la shaqeeyaan maamulka heer degmo, sida uu qabo Xeerka maamulka dowladaha hoose.
Kh. Shirku wuxuu isku raacay in: lixdii biloodba mar kormeer lagu sameeyo habsami-usocodka shaqooyinka kasocda degmooyinka xeebaha.
D. Shirku waxa uu isku raacay in wixii khuseeya badgalka iyo khayraadka badda looga dambeeyo sarkaalka idman ee wasaaradda kalluumaysiga.
R. Shirku waxa uu adkeeyay in maamulka heer degmo ilaaliyaan, xilna iska saaraan hantida Dowladda ee taal degmadaas.
2. Kor u qaadista dakhliga xeebaha Puntland
B. Shirku markii uu falanqeeyey dakhliga luma, waxa uu odorasay haddii la xalliyo caqabadaha wada shaqayn la’aaneed ee ka jira xeebaha, in sannadka 2024-2025 dakhligu uu kor u kici doono 15% marka la barbar dhigo 2023-2024.
T. Shirku waxa uu isla meel dhigay in degmooyinka dakhliga badan uga soo xaroodo dowladda, laga hirgeliyo Bangiga dowladda .
J. Shirku waxa uu adkeeyey in la kiciyo ilaha dakhliga dowladaha hoose ee degmooyinka xeebaha.
X. Shirku waxaa uu go’aamiyey in dhamaan doonyaha iyo maraakiibta ay yeeshaan wakiillo wadani ah oo diiwaan gashan, kuwaas oo masuul ka noqonayaa arimaha la xariira gaadiidka kalluumaysi ee shisheeye, wakiilna uusan noqon karin qof dowladda u shaqeeya.
Kh. Shirku waxa uu isku raacay in degmooyinka xeebaha dakhli-celin gaaraysa 5% loo sameeyo, lana mariyo hay’adaha dowladda si looga dhigo xeer.
D. Shirku waxa uu soo jeediyey in miisaaniyadda heer degmo ay ka dhex muuqdaan qorshayaasha kala duwan ee hay’adaha dowladda, si loo xoojiyo maamul-wanaagga.
3. La dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah
B. Shirku waxa uu musiibo qaran u aqoonsaday kalluumaysiga sharci-darrada ah, waxa uuna iclaamiyey dagaal wadareed lagu joojinayo.
T. Shirku waxa uu ugu baaqay hay’adaha ay khusayso ee dowladda iyo shacabka Puntland in cid walba doorkeeda ka qaadato ka hortagga iyo joojinta kalluumaysiga sharcidarrada ah, isla markaana la qaado ololaha ilaalinta kheyraadka badda.
J. Shirku waxa uu iclaamiyey in ciddii lagu qabto ku lug-lahaanshaha kalluumaysi sharci-darro ah lala tiigsan doono shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, loona aqoonsan doono “In ay khatar ku yihiin amniga Puntland”, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
X. Shirka wuxuu iclaamiyey in lala kaashado dowladahada aan saaxiibada nahay, hay’addaha caamaliga ah iyo cid walba oo waxtar u leh sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharcidaradda.
kh. Shirku waxa uu isku raacay in dhammaan gaadiidka kalluumaysiga ee shisheeye marka ay soo galayaan biyaha Puntland soo goostaan warqadda “Bad ku galka”, ciddii aan wadanna loo aqoonsan doono kalluumaysato sharci-darro ah.
4. Maalgashiga Khayraadka Badda
B. Shirku waxa uu ugu yaboohay ganacsatada dalka iyo kuwa dibadaba in ay maalgashadaan khayraadka badda.
T. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhammaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso waxey diyaar u yihiin fududeynta maalgashade kasta oo daneynaya ka faa’iideysiga kheyraadka kalluumeysiga xeebaha Puntland in ay ku kaalmeeyaan, una fududeeyaan adeegyada dowliga ah.
J. Shirku waxa uu ugu baaqay daneeyayasha iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan horumarinta meesiga kalluumaysiga, iyaga oo maraya hannaanka dowliga ah.
5. Tayaynta amniga xeebaha
Shirku waxa uu isku raacay kor uqaadista iyo adkaynta amniga xeebaha, iyada oo la tayaynayo ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaamada xeebaha, si ay uga hortagaan fal dambiyeedyada ka dhaca xeebaha.
6. Maaraynta noolaha badda ee khatarta wajahaya
B. Shirku waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay hab-maamulka guud ee noocyada noolaha badda ee khatarta wajahaya iyo ogaanshaha xogta dhabta ah ee ka jirta meelaha ay gaarka u gabbaadsadaan, sida aargoosatadda, qubadda iyo indhabuurka oo ka mid ah qeybaha kalluunka ee nabaad guuraya.
T. Shirku waxa uu isku raacay joojinta jillaabashada aargoosatada wakhtiga ay isla meel-dhigaan xeeldheerayaasha cilmiga badda, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo saamilayda ganacsi ee aargoosatada, si loo baaro bedqabka xeryaha ay gasho iyo xaddigeeda; loona xakameeyo hababka khaldan ee kalluumaysatadu u jillaabtaan sida: isticmaalka “Hoo-nuugta”, iyada oo lagu tababbarayo hababka toolmoon, ee aan waxyeellada u gaysanayn nafta Aadanaha iyo noolaha badda.
7. Xoojinta hay’adaha garsoorka ee deegaannada xeebaha
B. Shirku waxa uu isku raacay in la tayeeyo, lana furo maxkamadaha iyo saldhigyada booliiska ee degmooyinka xeebaha, iyada oo bulshada lagu wacyi gelinayo u gardhiibashada maxkamadaha dowliga ah.
8. Mahadcelin
Shirku waxa uu u mahadcelinayaa agaasimayaasha guud iyo saraakiisha kala duwan ee ka shaqeeyay shirkan bilow ilaa dhammaad, kuwaas oo ka kala socday wasaaradaha Maaliyadda, Kalluumaysiga, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Cadaaladda ah ee shirkan qabtay.
GAROOWE- Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa oo door ku leh Shirka Maamul baahinta iyo kor u qaadida wax soo saarka gudaha oo ka socda Garoowe Maalintii 2aad kuna socda agendihiisa 3aad oo ahaa Cadaynta mas-uuliyadaha kala duwan ee Hay’adaha Amniga, Kalluumaysiga, Maaliyada, Arimaha Gudaha iyo Garsoorka.
Shirkan waxaa ka qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Lataliyaha dhanka sharciyada Wasaaradda Maaliyadda Avv Axmed Guulwade ayaa maanta ka jeediyey madasha shirka masuuliyadaha iyo waajibaad ka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda masuuliyadaas oo ay Wasaaradda siinayaan Sharciga lagu asaasay hay,adaha Xukuumadda DPL sharci Lr.4 Qodob kiisa 8aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland Qodobada 134,135, iyo 136aad waxaana ka mid ah Diyaarinta iyo fulinta siyaasadaha dalka ee kuwajahan Maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.
Halkaasi sidoo waxaa ka hadlay Madaxa u hogaansanka cashuuraha Mud Maxamed Maxamuud “ilkacase” ayaa isna shaxaray noocyada cashuuraha Wasaaradu ka qaado degmooyinka xeebaha dhaca habraaca dakhli xeraynta iyo madaxyada lagu qaado cashuuraahaasi.
Soo jeedinta Wasaaradda ka dib waxaa ka soo qayb galayaasha fursad loo siiyeyey in ay masuuliyinta Wasaaradda waydiyaan su,aalo furan oo ku saabsan shaqada ,dhammaana su,aalahaasna waa looga jawaabay.
Ugu danbayn kulanka waxaa lagu falaan qeeyey caqabaya farsamo ee ka jira wada shaqaynta hay,adaha kala duwan ee bahwadaagta ku ah shirkaan iyadoo la diiwaangaliyey dhammaan soo jeedinta ka soo qayb galayaasha.
Shirka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda, waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madax-qaybeedyada waaxyaha maamulka Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinkii Qorshaysnaa guulaha laga gaaray, soo gudbinta Caqabadaha jira iyo shaqooyinka hortebinta leh ee la qaban doono bilaha soo socda.
Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka ee W/Maaliyadda & Madax-qaybeedyadooda ayaa Agaasime guud Kuxigeenka maamulka la wadaagay xogo dheeraad ah oo ku aadan shaqada.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka ayaa mas’uuliyiinta shirka ka qayb galay u soo bandhigay hirgelinta shaqooyinka ay ka mid yihiin: –
1- Samaynta ID-kaarka dhammaan Shaqalaha Wasaarada Maaliyada ee gobollada dalka.
2- Dabagalka shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda.
3- Hirgelinta tababarada shaqalaha aqoontooda kor loogu qaadayo.
4- Diyaarinta & dabagalka sanad miisaaniyadeedka 2025.
5- Soo-saarista xogaha waxyaabahii qabsoomay 4tii bilood ee lasoo dhaafay.
6- Tayaynta nidaamka FMIS-ka.
Iyo dhamaysirta Baahiyaha qalab ee Xafiisyada Wasaaradda.
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Xarunta Dakhliga waxa Wasiirka ku soo dhoweeyay Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan,Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobolka Nugaal, Xisaabiyaha gobolka Sool iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeedka kormeerka Wasiir Cabdullaahi ayaa ah u kuurgalka hannaanka shaqo ee gobolka iyo qaabka shaqadu ay u socoto in uu wax ka ogaado.
Wasiirka ayaa warbixin ku adaan shaqada ka dhageystay mas’uuliyiinta Dakhliga, iyagoo ka wadada hadlay qaabka shaqaalaha xarunta ay u shaqeeyaan.
Eng. Cabdullaahi ismaaciil Maxamed ayaa booqday dhammaan xafiisyada kale duwan ee xarunta dakhliga, waxana uu eegay qof waliba shaqada u qabto.
Ugu dambayntii Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyay nas’uuliyinta xarunta qaabka ay shaqada u wadaan, waxaana u xusay in loo baahan yahay in kor loo qaado shaqada.
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta ka qayb galay Shirka Guddiga Farsamo ee kor u qaadista nafaqada iyo sugnaanta cunada oo lagu qabtay Madaxtoyada Puntland, waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.
Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu kordhinayo wax soo saarka cunada iyo nafaqada Puntland.
Waxaana lagu falanqeeyey sidii loo xaqiijin lahaa mudnaanta istiraatiijiyadeed, loona xallin lahaa caqabadaha jira, waxaana la isla qaatay qodobo cad oo lagu horUmarinayo dagaalka ka dhanka ah cunno yarida iyo nafaqo-xumada.
Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, waxaana kasoo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.
Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaraadda ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka horumarka laga sameeyey bilihii u danbeeyey,shaqooyiinka aan lagu guuleysan iyo caqabadaha jira una baahan in la xaliyo.
Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed Wasiirku xigeenka Maaliyadda ayaa mas’uuliyiintii sharka ka qayb galay su’aalo ka weydiiyey dhammaan xogihii la soo bandhigay Agaasimayasha Waaxyahuna uga jawaabeen Wasiirka.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinkii la soo qabtay ee horumarka laga sameeyey waxana uu sheegay in la xalin doono caqabadaha jira ee la soo badhigay balse shaqaalaha Wasaaradda laga rabo dadaal shaqo.
GARACAD – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah shirkada TTN u gala wareegtay dhismayaal cusub oo ay Wasaaraddu ka hirgelisey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Dhismayaashaan oo ay maalgelisey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka kooban xafiisyo ay ku shaqayn doonaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ka howlgelaya dekedda Garacad.