Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababarka ku aadan Sharciga Maamulka Maaliyadda u qabatay 15-ka degmo ee Xeebaha dhaca ee Puntland

GAROOWE – Wasaaaradda Maaliyada Dowladda Puntland ayaa maanta tababar ku aadan sharciga Maamulka Maaliyadda Guud ee DPL ugu qabatay xarunta dhexe Ee Wasaaradda 15 ka mida Guddoomiyayaasha Degmooyinka Xeebaha dhaca iyo xog-hayayaasha Degmooyinka.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa baahinta shuruucda Maareynta Maaliyadda iyo kor u qaadida fahanka sharci ee mas’uuliyiinta Dowladda heer degmo si ay u gaarsiiyaan deeganada ay maamulaan una hirgaliyaan.

Waxaa kaloo tababarka ka soo qayb qaalay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawl gala deegaanada xeebaha oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Garoowe.

Tababarkan waxaa bixiyey khuburada arrimaha shuruucda Wasaaradda Maaliyadda waxana daah-furay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadaa iyo Arrimaha Gudaha.

Baahinta

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland