Shirka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda, waxaa ka soo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madax-qaybeedyada waaxyaha maamulka Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinkii Qorshaysnaa guulaha laga gaaray, soo gudbinta Caqabadaha jira iyo shaqooyinka hortebinta leh ee la qaban doono bilaha soo socda.
Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka ee W/Maaliyadda & Madax-qaybeedyadooda ayaa Agaasime guud Kuxigeenka maamulka la wadaagay xogo dheeraad ah oo ku aadan shaqada.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka ayaa mas’uuliyiinta shirka ka qayb galay u soo bandhigay hirgelinta shaqooyinka ay ka mid yihiin: – 1- Samaynta ID-kaarka dhammaan Shaqalaha Wasaarada Maaliyada ee gobollada dalka. 2- Dabagalka shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda. 3- Hirgelinta tababarada shaqalaha aqoontooda kor loogu qaadayo. 4- Diyaarinta & dabagalka sanad miisaaniyadeedka 2025. 5- Soo-saarista xogaha waxyaabahii qabsoomay 4tii bilood ee lasoo dhaafay. 6- Tayaynta nidaamka FMIS-ka. Iyo dhamaysirta Baahiyaha qalab ee Xafiisyada Wasaaradda.