Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Door ku leh Shirka Maamul Baahinta Iyo Kor u qaadida Wax soo saarka Gudaha ee ka socda Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa oo door ku leh Shirka Maamul baahinta iyo kor u qaadida wax soo saarka gudaha oo ka socda Garoowe Maalintii 2aad kuna socda agendihiisa 3aad oo ahaa Cadaynta mas-uuliyadaha kala duwan ee Hay’adaha Amniga, Kalluumaysiga, Maaliyada, Arimaha Gudaha iyo Garsoorka.

Shirkan waxaa ka qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Lataliyaha dhanka sharciyada Wasaaradda Maaliyadda Avv Axmed Guulwade ayaa maanta ka jeediyey madasha shirka masuuliyadaha iyo waajibaad ka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda masuuliyadaas oo ay Wasaaradda siinayaan Sharciga lagu asaasay hay,adaha Xukuumadda DPL sharci Lr.4 Qodob kiisa 8aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland Qodobada 134,135, iyo 136aad waxaana ka mid ah Diyaarinta iyo fulinta siyaasadaha dalka ee kuwajahan Maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Sida diyaarinta miisaaniyadda Dowladda, jaangoynta maaliyadeed ee dalka dakhli iyo kharashka, ururinta cashuuraha dalka,ilaalinta shuruucda Maaliyadda dalka,habaynta shuruucda bangiga Dowladda iyo ilaalinta daryeelka hantida dawladda.

Halkaasi sidoo waxaa ka hadlay Madaxa u hogaansanka cashuuraha Mud Maxamed Maxamuud “ilkacase” ayaa isna shaxaray noocyada cashuuraha Wasaaradu ka qaado degmooyinka xeebaha dhaca habraaca dakhli xeraynta iyo madaxyada lagu qaado cashuuraahaasi.

Soo jeedinta Wasaaradda ka dib waxaa ka soo qayb galayaasha fursad loo siiyeyey in ay masuuliyinta Wasaaradda waydiyaan su,aalo furan oo ku saabsan shaqada ,dhammaana su,aalahaasna waa looga jawaabay.

Ugu danbayn kulanka waxaa lagu falaan qeeyey caqabaya farsamo ee ka jira wada shaqaynta hay,adaha kala duwan ee bahwadaagta ku ah shirkaan iyadoo la diiwaangaliyey dhammaan soo jeedinta ka soo qayb galayaasha.

Â