
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo Daahfuray Barnaamijyo dib u habeyn loogu sameeyay Cashuur bixinta[Sawirro]
GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu Daah-furay barnaamijyo cusub iyo kuwa dib u habayn lagu sameeyey kuwaas Labada wasaarood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud wada fulinyaan.
Adeegyada laso kordhiyey waxay kala ahaayeen.
1- Adeeg fududaynta cashuuraha Gaadiidka oo laga dhigay 24/7 in laga heli karo goobaha labadda wasaaradood.
2- cashuur bixinta oo la fududeeyey taas oo lasoo kordhiyey lambar gaaban oo cashuur bixiyuhu lacagta ku bixin karo goob kasta uu joogo isaga oo qaraacayaa *444# ee shirkadda Somtel.
3- in cashuur bixiyuhu u bixin karo cashuurta wada marista 3 biloodle, lixbiloodle iyo Sannadle.
4- aqoonsiga lahaanshaha gaadiidka oo hada laga dhigay kaar (card) halka horay u ahaa warqad.
5- shatiga gaari wadida (Driver Licences) oo lagu so kordhiyey shati cusub oo bajajta leedahay sidoo kale waqtiga Shatiga guud laga dhigay 5 sano halka uu horay ka ahaa 3 sanno.
6- cashuurta furdooyinka ee gaadiidka bidix la aha loo sameeyey cashuur dhimis dhan 30% .
7- Dib u habayn lagu sameeyey qaabka wada shaqaynta Macradda iyo wasaaraddaha iyadoo adeegooda la fududeeyey.
8- in la dardargalin doono adeegyadda ilaalinta nabadgalyadda wadooyinka oo ay ka dhalanayaan ganaaxyo cidii ku xad gudubta anshaxa nabadgalyadda wadooyinka.
Adeeggan oo ah nidaam casri ah oo la jaan qaadaya dunida kaas oo fududaynyaa u adeega bulshada.
Daah-furkan barnaamijkan waxaa ka qaybgalay Wasiirku Xigeennada iyo Agaasimayaasha labada wasaaradood ee Maaliyadda Hawlaha guud, Taliska Ciidamada iLaalada cashuuraha iyo ilaaladda wadooyinka, agaasime ku xigeenka PHA, xeer ilaaliye ku xigeenka, agaasime guud ku xigeenka dakhliga, madaxda bangiyadda, shiradaha isgaarsiinta, shirkadda PIITECH iyo Mas’uulyiin kale.
Intii ay Munaasabaddan ay socotay ayaa halkaasi laga soo jeediyey khudbado ay mas’uuliyiintii ka qaybgalay ku amaaneen in barnaamijkan uu yahay mid muhiim ah.
Ugu dambeyntii Labada Wasiir ku xigeen ee Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo hawlaha Guud ayaa kaarkii ugu horreeyay gudoon siiyey mawaadin adeegadan loo qabtay.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland



























![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray Laanta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_7978-150x150.jpeg)

