
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka hor geeyay 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓[Sawirro]
GAROOWE – Madxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland hor geeyey 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓.
Kullanka Golaha waxaa Shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada , Hon
Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon
Maxamed Baari iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Maxamed Maxamuud Ciise.
Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa Golaha xog dheeri ah ka siiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025 Wasaaradduna soo diyaariyey.
Dhigaysiga xogta Wasiirka ka dib 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 ayaa lagu wareejiyey 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚, kuwaas oo ku samayn doona akhrinta labaad. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 28-ka Luulyo 2026, si dood iyo go’aan rasmi ah loogu gaaro sida xogta Golaha lagu sheegay.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland





























![Agaasime Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha[[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8059-150x150.jpeg)

