Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashadda gobolka Nugaal [Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa shir muhiim ah la yeeshay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada gobolka Nugaal.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Maamulaha Canshuuraha Bariga Gobolka Nugaal, Maamulayaasha Dugsiyada
iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si wadajir ah loo dardargeliyo ururinta canshuuraha Peeroolka macalimiinta, xoojinta wada shaqeeynta maaliyadda iyo Xarumaha Waxbarashada iyo sidii ay dowladdu uga qayb qaadan lahayd horumarinta tayada iyo adeegyada xarumaha Waxbarashada ee gobolka.
Maamulayaasha Dugsiyada ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan caqabadaha iyo baahiyaha iskooladooda, si loo helo xal waara oo horumarineed kuna aadan dhanka Waxbarashada.
Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilaamay Ollole nadaafadeed oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud






















GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. 






















BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.

























GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey
Baahintii
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda.

















BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.
Baahintii 
GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Caali Jaamac Gaashaan Iyo Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey kulanka billaha ee kala war-qaadashada Xisaabiyeyaasha gobalada Iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.
Xisabiyeyaasha gobalada ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo bandhigay talaabooyinka ay qadeen Iyo wax yaabaha u qabsoomay ee ay
Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Kulanka Soo xiray ayaa Xisaabiyeyaasha gobalada ku aamanay dadaalka shaqo ee muuqda, wuxuuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ayna u kala war qaadan doonaan si bille ah si Loo ogaado hadba wixii qabsoomay.