Category: Somali News

1 (3)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo Shir Guddoomiyay Kulaunka Todobaadlaha ah ee Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa lagu qabtay xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku xeenkaa Dalkhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, ku xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agasimayasha waaxyaha.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha dib u eegista Mashariicda uuna ka mid yahay Mashruuca RCRF waxyaabihii ka qabsoomay 2023 iyo qorshayaasha 2024.

Sodoo kale shirkan intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshayaasha kobcinta cashuuraha berriga oo guulo wax ku ool ah laga gaaray iyo qorshayaasha 2024.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka horay loogu balamay wax ka qabashadooda iyo guulaha la gaaray, bulshadana ugu baaqay in ay cashuurta ku waajibay bixiyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (17)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo qado sharaf ku casumay Ganacsatada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maantay magaalada Garoowe qado sharaf ku casuntay Ganacsatada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud Kuxigeenka Dakhliga iyo mas’uulyiin kale ee oo ka tirsan Wasaaradda ayaa qado sharafta ka qayb galay dhanka Wasaaradda, halka ay dhanka Ganacsatada ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadaha ganacsiga waa weyn.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa Ganacsatada uga mahadceliyey wadashaqeynta kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida wanaagsan ee ay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Xubno u hadlay Ganacsatada ayaa Madaxda Wasaaradda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda uga mahad celiyey martiqaadka, waxayna cod dheer ku sheegeen in ay diyaar u yihiin bixinta cashuuraha ku waajibay iyo horumarinta dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (27)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo u kuur gelaya habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyada ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha dakhliga.

Xarunta dakhliga oo dhawaan shaqo bilowday ayaa Agaasimuhu halkaasi kula kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan, wuxuuna shaqaalaha iyo madaxdaba kula dardaarmay inay sii labba jibaaraan shaqooyinka kaladuwan gaar’ahaan dardargelinta dakhliga.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale kormeer shaqo ku tagey kantaroolada Laacdheere iyo Bixin ee magaalada Garowe, isaga oo shaqaalaha goobahaas ka hawlgala iyo ciidamada ilaalada cashuuraha faray inay adkeeyaan ilaalinta cashuurta Dowladda.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasime ku-xigeenka Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulayaasha dakhliga gobalka Nugaal.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (15)

Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeer ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar,Bari iyo Sanaag[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Kormeer guud ku sameeyay xarumaha Wasaaradda ee Gobolada Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa kor u qaadida hannaanka maamulka iyo tayaynta shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Dowladda Puntland.

Agaasimuhu intii uu Kormeerkan shaqo ku guda jiray waxaa uu la kulmay Madaxda iyo shaqaaalaha ka howlgala xarumaha Wasaaradda,waxana uu heley warbixino la xiriira shaqooyinka socda, waxana uu kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadka saaran ee shaqo.

Ugu Danbayn Agaasime Guud Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si dowladduna u gudato Waajibaad keeda shaqo ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More