Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2024 ee Gollaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka iyo xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda ee 2024.
Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen guddigu.