Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo qado sharaf ku casumay Ganacsatada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maantay magaalada Garoowe qado sharaf ku casuntay Ganacsatada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud Kuxigeenka Dakhliga iyo mas’uulyiin kale ee oo ka tirsan Wasaaradda ayaa qado sharafta ka qayb galay dhanka Wasaaradda, halka ay dhanka Ganacsatada ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadaha ganacsiga waa weyn.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa Ganacsatada uga mahadceliyey wadashaqeynta kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida wanaagsan ee ay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Xubno u hadlay Ganacsatada ayaa Madaxda Wasaaradda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda uga mahad celiyey martiqaadka, waxayna cod dheer ku sheegeen in ay diyaar u yihiin bixinta cashuuraha ku waajibay iyo horumarinta dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland