Tababar Ku Saabsan Cilmiga Barbashadda Kumbuyuutarka ICT oo loo qabtay Shaqaalaha Wasaaraadda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo uu weheliyey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo tababarada ayaa daah-furay tababar Wasaaradda Maaliyadu u qabatay shaqaalaheeda,kuna saabsan Cilmiga barashada Kumbuyuutarka (ICT Training).

Tababarkan ayaa lagu baranayey qaybaha kala duwan ee cilmiga kubuyuutarka-Sida Looga hortago La Iskagana Difaaco Weerarada dhanka Internet-ka ka dhaca iyo Barashada diyaarinta xisaabaadka (Spreadsheet using Pivot tables).

Tababarkan waxaa ka soo qayb galay 30 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha ay ka mid yihiin Dakhliga, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Xisaabaadka, iyo Hantidowrka Gudaha.

Agaasimaha ayaa shaqalaha Wasaaradda ee tababarka loo qabtay kula dardaarmay in ay ka faa’idaystaan casharada la baridoono ee dhanka Computer ka, waxaana uu sheegay in Madaxda Wasaaradda in ay ka go’an tahay in kor looqaado aqoonta shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in tababarkan ay isku soo duba rideen Xafiiska qorshaynta iyo tababarada Wasaaradda Maaliyadda waxaana fuliyey macalimiin ka socda Xafiiska ICT-PFMIS ee Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland