Category: News

1 (20)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobalka Nugaal ayaa booqasho ay ugu kuurgelayaan habsami u socodka shaqada ku tagey Kantaroolada Bixin iyo Laacdheere ee magaalada Garoowe.

Wasiirka Ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kormeerka ku weheliyey ayaa halkaas kula kulmay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo ciidamada ilaalinta cashuuraha ee goobahaas ka hawlgala, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan Ilaalinta dakhliga iyo habsami u socodka shaqada.

Booqashada Wasiir Bulxan ayaa qayb ka ah kormeero joogta ah oo uu ku kala bixin doono dhammaan goobaha dakhliga kala duwan ee dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda oo ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa looga hadlay wax yaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqooyinka dhiman in la dhamaystiro sanada 2024.

Shirkan ayaa sidoo kale looga dooday qorshayaasha waxqabad ee dowladda Puntland 5ta sano soo socota iyo doorka ay ku leedahay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu Dambayn shirkan ayaa lays ku afgartay dhamman qodobadii looga wada-hadlay ,waxaana loo saaray gudi gaar ah oo arrimahan ka soo shaqayn doona.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
436421001_827157236104247_2143501835334204508_n

Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland oo Booqday Kastamka Wasaaradda ee Airport-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagey kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Kormeerkan shaqo ayaa salka ku hayey dardargalinta shaqada iyo kor u qaadida dakhliga si loo dhiiri geliyo Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan goobaha dakhli soo saarka.

Wasiirka ayaa warbixinno shaqooyinka la xiira ka helay Madaxda goobaha uu booqaday, waxana uu kula dardaarmay in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinkii ay bulshada u hayaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (15)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer ku tagay Kastamka Furdada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid oo safar shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa booqaday kastamka Furdada Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamule Kuxigeenka Furdada Bosaaso ee Wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Dekeda Boosaaso, waxana uu booqaday goobaha ay ka socdaan shaqooyinku iyo halka ay ka socoto shaqooyinka ballaarinta dekeda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka xog ka siiyey shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo heerka dakhligu maraayo.

Maxamuud shiikh Ciid, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari kula dardaarmay dardargalinta iyo kor uqaadida dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (3)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la qaatay Madax ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya[Sawirro]

ADDISABABA – Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Dowladda Puntland oo sii wada booqashadoodii rasmiga ahayd ee ay ku joogaan magaalada Addis Ababa ayaa shirar kala duwan kula yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Hay’adda Kastamyada dalka Itoobiya.

Shirarka waxaa kale oo goob joog ka ahaa Qunsulka Guud ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Dowladda Puntland.

Shirarka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Waftiga Puntland iyo Madaxda Hay’adda Kastamyada Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isla gartay in la dedejiyo hawlgalinta Kastamka Tuurdibi iyo goobaha kale ee laysaga gudbo.

Shirarka ay Guddigu la yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka (Transport and Logistics Ministry) iyo Madaxda Kastamyada ayaa ku soo dhammaaday is faham iyo in si degdeg loo bilaabo iskaashi dhinacyo badan leh, una faa’ideynaya danaha horumarineed ee Puntland iyo Itoobiya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABABA – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Addis Ababa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ethiopia.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Mesganu Arga ayaa Wadahadalkooda labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Waftiga Dowladda Puntland ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray dowladda Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u dhacday doorashadii dhacday.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (6)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda Save the Children[Sawirro]

AROOWE- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed oo ay weheliyaan Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mudane Cabdisamad Cawad ayaa kulan la qaatay mas’uulyiin ka tirsan Hay’ada Save The Children.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa ahaa is xog-waraysi iyo sidii ay wada shaqayn dhow u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’ada Save The Children.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta Hay’ada la wadaagay qorshayaasha Miisaaniyadda ee lagu kabo Waxbarashada, agoomaha, Caafimaadka, dadka baahiyaha gaar ka ah leh iyo sida Wasaaradda Maaliyadda uga go’an tahay in ay taageerto xuuquuqaha caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Madaxda Save The Children ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyey shaqooyinka gaarka ah ee ay u hayaan bulshada reer Puntland iyo sida ay isaga xilsaareen xaquuqaha caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
434414002_820207283465909_7224513641822359027_n

Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Qorsheynta oo yeeshay kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Qorsheynta ayaa yeeshay kulan looga wada hadlay dardargalinta Dalkhliga Dowladda.

Kulankan waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale oo kaa tirsan labada Wasaaradood.

Intii uu socday Kulanka ayaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee labada Wasaaradood, gaar ahaan kor u qaadista iyo soo xareynta Cashuuraha iyo soo saarista dakhliga dowladda oo ay labada Wasaaradood iska-kaashadaan.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo madaxda kale uga mahad celiyey wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal ku bixiya sidii loo heli lahaa dakhligii dalka lagu horumarin lahaa si dowladduna u gudato Waajibaadkeeda shaqo, wada shaqaynta Wasaaraduhuna door wayn ka qaataan soo xeraynta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
434941248_965986254883717_1577175991367451041_n

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uga warbixiyey qorshaha dardargelinta dakhliga iyo shaqooyinka kale hannaanka Maaliyada lagu horumarinayo.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Madaxtooyada ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf ee magaalada Gaalkacyo.

Guddiga ayaa warbixino kala duwan ka dhagaysteen Maareeyaha garoonka diyaaradaha Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey.

Intii ay guddigu ku jireen kormeerka ayna ahayd xili shaqo waxay booqdeen xafiisyada xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug iyo goob horey lagu talagalay in laga dhiso Garoon diyaaradeed oo cusub kaas oo duleedka waqooyi kaga beegan magaalada Galkacyo.

Ugu dambayn Guddiga dardargelinta Ganacisga ayaa booqaday Wasaaradda Deegaanka xarunteeda magaalada Gaalkacyo
gudddiga daradargalinta ganacsiga Puntland ayaa dhawaan waxa magacabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni.

Baahinta

Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More